Faransiiska oo sheegay
inuu helay xog ku saabsan nin ay ka haystaan Shabaab
Wasiirka Difaaca Dowladda France Jean-Yves Le Drian oo Wareysi
siinayay Wakaalada Wararka Shiinaha u faafisa ee Xinuha ayaa
sheegay inay heleen xog kusaabsan inuu Nabad qabo Sarkaal Faransiis
ah oo Xarakada Al-Shabaab ay kuheystaan gudaha Soomaalia
Sarkaalka u dhashay France ee Al-Shabaab gacanta ugu jira ayaa
lagu magacaabaa Denis Allex waxaana uu u yimid Soomaalia Tababaro
uu siinayo Ciidamada Dowladda Soomaalia
Wasiirka Difaaca France Jean-Yves Le Drian ayaa tilmaamay in
lala hadalsiiyay Muweaadinkaasi Faransiiska ah ee Al-Shabaab
mudada 3da Sano ah u Afduuban uu Caafimaad qabo balse sitoos
ah uma uusan shaacin Halka Soomaalia uu kaga sugan yahay
Denis Allex oo ah Sarkaal u dhashay Dalka France islamarkaan
Soomaaliya u yimid Tababarida Askarta Dowladda ayaa Sanadii
2009kii rag hubeysan ka qafaasheen asaga iyo sarkaal kale oo
ay wada socdeen hotelka magaalada Muqdisho waxaana xilligaasi
loo kala gacan galiyay Al-Shabab iyo ururkii bur buray e Xisbul
Islam.
Mid ka mid ah lasbadaasi sarkaal ayaa gacanta Xisbiga ka baxsaday
oo dawlada u soo galay.
Sarkaalkaan ay Shababku haystaan ayaa mar uu ka
soo muuqday cajalad muuqaal ah oo Shababku soo bandhigeen wuxuu
dawladiisa kja dalbaday inay joojiso fara galinta ay ku hayso
wadamada dunida Muslimka oo Soomaaliya ku jirto.
Ilaa iyoi 8 ruux oo dhashay wadanka Faransiiska ayaa afduub
ahaan loogu haystaa wadamo ay Soomaaliya ka mid tahay.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com