Qasaaraha
ka dhashay fatahaada Wabiga Shabelle oo kordhaya
Xiriiriyaha dhinaca samafalka ee Maamulka dowladda ee gobolka
Hiiraan iyo Hayadaha samafalka Keynaan-diid Muumin Cali
oo la hadlay Warlalis ayaa waxa uu ka warbixiyay inta uu la
egyaha qasaaraha ka dhashay fatahadii Wabiga Shabelle ee magaalada
Baledweyne.
Keynaan-diid Muumin Cali ayaa waxa uu sheegay in dhimashada
dadka ee uu sababay fatahaada Wabiga ay marayso 55 ruux sidoo
kalana waxa uu xusay inay ku dhinteen in ka badan dadka oo
ah xoolihii ay dhaqanayeen.
Dadka ayaa waxa uu sheegay inay isugu jireen kuwa si kadis
marka uu wabiga ugu soo fatahay gaariyooday iyo sidoo kale
dad aan dabaasha aqoon oo biyaha wabiga uu sidaasi kula tagay.
Isaga oo sheegay in iyaga oo kaashanaya ciidamada AMISOM ee
jabuuti ay samata bixiyeen qaar badan oo dadka ka mid ah
Xiriiriyaha dhinaca samafalka ee Maamulka dowladda ee gobolka
Hiiraan iyo Hayadaha samafalka ayaa sheegay Qasaaraha
uu intaasi ka badan yahay oo ay jiraan guryo badan oo dadka
ay qaadeen sidoo kalana waxa uu carabka ku dhuftay inay magaalada
ka qaxeen kumanaan ruux kuwaasi oo uu sheegay in ceyr yihiin
oo aysan jirin wax ay haystaan.
Keynaan-diid Muumin Cali ayaa waxa uu ugu baaqay dowladda
Soomaaliya iyo Hayadaha samafalka inay lasoo gaaraan
dadkaasi uu saameeyay fatahaada wabiga Shabelle gargaar degdeg
ah hadii kalana ay naf baxayaan.
Fatahaada Wabiga Shabelle ayaa waxa uu ahaa mid kadis ku
noqday dadka, iyadoo fatahaada Wabiga uu ka dhashay roobaab
in ka badan 10 saacadood ka daay magaalada taasi oo
keentay in wabiga uu buux dhaafo kadibna uu fataho.