Gaadiidleyda
Muqdisho oo cabasho ka muujiyay isbaarooyinka
Iskaashatada Gaadiidleyda magaalada Muqdisho ayaa waxa ay
cabasho ka muujiyeen isbaarooyinka yaalla Muqdisho ee lacagaha
looga qaado.
Shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho Injineyr
Cali Sheekh Nuur oo ah Agaasimaha Iskaashatada gaadiidleyda
gobolka Banaadir ayaa waxa uu ku sheegay in Wadayaasha Gaadiidka
ay dhibaatooyin badan kala kulmaan Isbaarooyin uu sheegay
inay yaalaan wadooyin ka tirsan magaalada Muqdisho.
Agaasimaha ayaa waxa uu tilmaamay in gobolka Banaadir uu ka
arimiyo hal Maamul ayna ka codsanayaan in laga qaado jidgooyooyinka
looga qaato lacagaha badan si dadka shacabka ay uga qaadaan
lacago yar.
Sidoo kale Cali Sheekh Nuur waxa uu codsaday in aan la hakin
dayactirka laga wado wadooyinka magaalada Muqdisho islamarkaana
la dayactiro wadooyinka burbursan ee aan wali la dayactirin.
Wadooyin badan oo ku yaalla magaalada Muqdisho oo ay isticmaalaan
gaadiidka BL-ka ayaa waxaa yaalla jidgooyooyin ay lacago uga
qaadaan ciidamo ka tirsan dowladda.