Raiisul
wasaaraha oo sheegay in si KMG ah loo ansixinayo dastuurka
Raiisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/wali
Maxed Cali Gaas
ayaa sheegay in si KMG ah loo ansixinayo dastuurka loo sameynayo
dalka
kadibna loo qaadayo afti dad weyne, isaga oo sheegay in hadii
la
ansixiyo dastuurka ay gacanta soo galayaan dhamaan gobolada
dalka
Soomaaliya aas aasna uu u yahay helida dowlad rasmi ah.
C/wali Maxed Cali ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in
ay wanaagsanaan
lahayd in dastuurka la ansixiyo codka dad weynaha balse waxa
uu
sheegay in taasi aysan suura galeynin dhibaatada jirta awgeed,
taasi
oo uu sheegay inay keentay inay isku keenaan Ergo mataleysa
dhamaan
Umada Soomaaliyeed.
Hadalkaani waxa uu imaanayaa iyadoo shalay magaalada Muqdisho
uu ka
furamay Shirka Ergada ansixinta dastuurka xili dastuurka loo
jeedinayo
dhaliilo badan.