Galmudug oo sheegtay in
Shariif uusan awood u leheyn magacaabista Gilinsoor
Maamulka Galmudug ayaa kasoo horjeesatay wareegtadii
ka soo baxday Madaxwayne shariif taasoo deegaanka gelinsoor
uu ugu magacaabay degmo.
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga dawlad goboleedka
Galmudug Axmed Maxamuud Baasto oo Saxaafadda Gaalkacyo kula
hadlay ayaa waxa uu shaaciyay in madax wayne shariif uusan xaq
u lahayn inuu deegaanka Galinsoor uu Degmo u magacaabo isagoo
dhanka kalena sheegay in Galmudug gaashaanka u daruurtay wareegtada
Madaxwaynaha.
Axmed Baasto ayaa ka dhawaajiyay in deegaanka
Galinsoor ay ka taliso Galmudug islamarkaana Madaxwayne shariif
aysan masuuliyad ka saarnayn inuu degmo u magacaabo Galinsoor.
Wasiirka ayaa intaasi sii raaciyay in Madaxwaynaha
uusan soo faragasha Karin arimaha Galmudug isgoo dhanka kalena
ugu baaqay Madaxwayne shariif inuu ka fiirsado arimaha caynkaasi
oo kale ah
Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli wareeegto
kasoo baxday xafiika madaxwaynaha degmo loogu magacaabay Deegaanka
Gelinsoor ee Gobolka Mudug.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com