Ganacsato
lagu xiray Buulo-mareer
Sida ay Warlalis u xaqiijiyeen dad deegaanka ah Ciidamada
Al Shabaab ayaa ku xiray deegaanka Buulo-mareer ee gobolka
Sh/hoose 3 ruux oo ka mid ah dad deegaanka.
Wararka ayaa sheegaya in shalay gallinkii dambe Ciidamada
Al Shabaab ay deegaankaasi ka wateen illaa 3-ruux oo ahaa
gancsato kuwaasi oo loo taxaabay xabsi ku yaalla Buulo-mareer
Illaa 3-qof ayay wateen Ciidamada Al Shabaab, kollay
way xireen, annaga dadkii shacabka ahaa ayaanu nahay, ma garan
karno wax dadkaasi loo watay sidaasi waxa yiri goobjooge
qariyay magaciisa.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Al Shabaab oo ka hadlay xarigga
loo geystay dadkaasi ayaa waxa ay sheegeen in 3-daasi ruux
lagu eedeeyay inay Sirdoon u yihiin Ciidamada Dowladda iyo
kuwa AMIOM ee duulaanka ku ah Al Shabaab.
Arrintaani ayaa waxa ay imaanaysaa xilli Ciidamada Dowladda
iyo kuwa AMISOM ay qorsheynayaan in Al Shabaab ay guud ahaan
ka ciribtiraan gobolka Sh/hoose oo ay iminka ka Maamulaan
deegaanno faro ku tiris ah.