Dagaal
mar kale ka dhacay Gedo
Iyadoo habeen ka hor dagaal uu ka dhacay Gedo ayaa dagaal
la isku adeegsaday Madaafiic oo qasaaro gaystay waxa uu xalay
Ciidamada Dowladda iyo Xarakada Al Shabaab ku dhexmaray degmada
Garbahaareey ee Xarunta gobolka Gedo.
Saraakiisha dowladda ee degmada Garbahaareey ayaa waxa ay
sheegeen in Ciidamada Al Shabaab ay ugu horeyn Weerar Madaafiic
ah kusoo qaadeen Magaalada Garbahaareey, kaddibna ay heleen
xogta sidaasina labada Ciidan uu dagaal ku dhexmaray duleedka
Magaaladaasi.
Dagaal Madaafiic ah ayay kusoo qaadeen Magaalada, waxaa
looga hortagay duleedka Magaalada Garbahaareey, marka Xaaladda
saakay way degan tahay sidaasi waxa yiri Taliyaha Ciidamada
Dowladda ee Garbahaareey.
Warka ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in dagaalka uu ka dhashay
qasaaro dhimasho iyto dhaawac inkastoo aan si dhab ah loo
ogeyn inta uu la egyahay qasaarahaasi.
Habeen ka hor ayaa dagaal ka dhacay magaalada Garbahaareey
waxa uu sababay dhimashada 2 ruux iyo dhaawaca tiro intaasi
ka badan oo ahaa dhinacyadii dagaalamay.