Dowladda iyo Al Shabaab
oo ku dagaalamay Gedo

Dagaal u dhaxeeyay dowladda iyo Al Shabaab oo
sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa waxa uu ka dhacay
deegaano hoostaga magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.
5 ruux ayaa ku geeriyootay in ka badana wey ku
dhaawacmeen Dagaal dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al Shabaab
oo ka dhacay maanta Tuulo Barwaaqo oo 20 KM u jirta magaalada
Garbahaareey ee gobolka Gedo sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal
ah.
Iska dhaca labada dhinaca labada dhinac ayaa waxa
uu yimid kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda oo kusii jeeday
magaalada Baladxaawo ay wadada u galeen Al Shabaab.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxaa la
sheegay in ay ahaayeen dhinacyadii dagaalamay, waxaana xaaladda
haatan lagu soo waramayaa in ay tahay mid dagan.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada dagaalamay
oo ku aadan dagaalkaasi oo marar labada dhinac ee dowladda iyo
Al Shabaab ku dhexmaray gobolka Gedo.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com