Golaha
amaanka oo talooyin u jeediyay M/weynaha cusub
Golaha amaanka ee Q,M ayaa u jeediyay M/weynaha cusub ee
Soomaaliya Prof Xasan Shiikh Maxud inuu soo dhiso dawlad
wax tar leh oo dalka ka saari karta dhibaatooyinka ka jira.
War murtiyadeed ka soo baxay fadhi gaar ah oo golaha amaanku
ku yeeshay magaalada New York ayaa waxaa lagu sheegay in goluhu
la dhacsan yahay qaabkii M/weyne Xasan Shiikh loo doortay
isla markaana uu halkiisa kasii socon doono taageerada golaha
amaanka uu siin jiray dawlada Soomaaliya.
War murtiyadeedka ayaa ugu baaqaya M/weynaha cusub inuu dhaqso
u soo magacabo R/wasaare tayo badan kadibna in la unko dawlad
wax qabad badan oo dalka dhibaatooyinka ka saari karta.
Inuu la dagaalamo musuq maasuqa iyohagar daameynta dawladiisa
ayaa lagu qoray warkaasi kasoo baxay golaha amaanka ee Q,M
waxaana warku intaa ku darayaa in M/weynaha cusub uu gacan
adag ku qabto cid kasta oo uu arko inay nabada caqabad ku
yihiin.
Doorashadii gudoonka sare ee baarlamaanka tii M/weynaha
iyo ka bixistii xaaladda ku meel gaarka ee Soomaaliya dhamaan
waxay ahaayeen tilaabooyin muhiim ah oo golaha amaanku guul
u arko ayaa lagu yiri warka kasoo baxay golaha amaanka
ee Q,M.
Waa in M/weynuhu soo magacaaba R/wasaare karti leh
xukuumadiisana gaarsiin kara dalka oo dhan ayaa sidoo
kale lagu yiri warkaas.
Safiirka dawlada Ingiriisdka u fadhiya Q,M danjire Mark Lyall
Grant ayaa sheegay in goluhu uu M/weynaha c usub ugu baaqayo
inuu dajiyo hab miisaaniyadeed saxan si aan musuq maasuq u
dhacin.
Golaha amaanka ayaa kulan gooni ah oo ku saabsan arrimaha
Soomaaliya magaalada New York todobaadka dambe ayadoona uu
kulankaasi markii ugo horeysay ka qeyb galayo M/weyne Xasan
Shiikh.
Golaha amaanka iyo nabad galyada Midawga Afric ayaa hore
u taageeray dawlada cusub ee Soomaaliya.