Golaha Amaanka oo waqtiga
u kordhiyay guddiga daba galka cuna qabataynta hubka ee saaraan
Soomaaliya iyo Eritrea
Golaha amaanka ee Q,,M ayaa waqti kordhin u sameweyeen guddiga
dabagalka cuna qabataynta hubka ee saaran wadamada Soomaaliya
iyo Eritrea.
War saxaafadeed ka soo baxaty golaha amaanka ee Q,M ayaa waxaa
lagu sheegay in guddigaan hawshooda daba galka cuna qabataynta
ay sii wadi doonaan illaa iyo sanad kale iyagoo si gaar ah ula
socon doona dhaq dhaqaaqyada hubka ee Soomaaliya gala.
Warkaan ka soo baxay golaha amaanka ayaa waxaa lagu sheegay
in guddigaan ay si gaar ah markaan uga shaqeyn doonaan la socoshada
wadasmada sida gaar ah ugu xad gudbay cuna qabataynta hubka
ee
Soomaaliya iyo saaraniyagoo kontorooli doonaan dekedaha, garoomada
iyo wadooyinka uu hubka Soomaaliya kasoo gala waxaana ay hawshaan
sii wadi doonaan illaa iyo 25 bisha August ee sanadka dambe
ee 2013 sida war saxaafadeedka ku qoran.
Goluhu waxaa uu xusay in guddigaan hawshooda aysan ku jirin
agabtada military ee uu adeegsanayo xafiiska Q,Mu qaabilsan
arrimaha Soomaaliya ee UNPOS la yiraahdo.
Gudigaan qubarada ah ee Q,M u qaabilsan la socodka cuna qabataynta
hubka ee saaran wadamada Soomaaliya iyo Eritrea waxay dhawaan
warbixin ay soo bandhigeen oo dhawr bog ka kooban u gudbiyeen
golaha amaanka ee Q,M taasoo dhawaan meel fageere ah looga doodi
doono.
Dhinaca kale war saxaafadeedka ka soo baxay golaha amaanka ee
Q,M waxaa lagu sheegay inay lagama maarmaan in xaaladda ku meel
gaarka ah ay Soomaaliya ka baxdo una gudubto xaalad ay dawlad
dhexe ugu gudbi karto.
Golugu waxaa uu sheegay inay aad u danaynayaan in 20 August
uu Soomaaliya is badal ka dhaco oo dawlad cusub u dhalato.
Sidoo kale golaha amaanku waxaa uu ugu baaqay golaha ansixinta
dastuurka ee Muqdisho ku shirsan inay dadajiyaan ansixinta dastuurka
si dhaqso loogu gudbo xaaladda hadda lagu jiro.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com