» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Calanka.com

» Codk Somali

» Cayaaraha

» Cadaado

» CeelBuur

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet

» Galgaduud.net

» 2garre
» Gedonet

» Gedohomepage

» Geeska Afrika

» Goldogobsite

» Goobjoog

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Kartuun.com

» Kasmo(Wargeys)

» Lafoole.com

» Marka Caddeey

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Mustaqiim.com

» Midnimo.com

» Nurudin

» nuuruliimaan
» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

»Shabelle

» Shariica.com

»Somalifans.net

»Somaliweyn

»Waagacusub

»Warlalis.com

»Warsheekh

Golaha wasiirada oo yeeshay kulan ku saabsan Amaanka warsaxafadeed

 

 

Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa iyadoo shirkani uu guddoominayay Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsigga iyo Warsadaha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeen Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif,Iyadoona Shirka looga hadlayay Xoojinta Amniga, Soo xulistii Ergooyinka iyo Garsoorka.

Ugu horeyn waxaa warbixin laga dhagaystay wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Mudane Wuxuuna ka war bixiyey howlgalada ka socda dhamaan goboladda dalka, waxaana uu sheegay in cidanka Qaranku ay wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyey oo ay kula wareegi lahaayeen Gobaladda ku haray gacanta Al-shabaab, Wuxuu kaloo uu Wasiiru Dowluhu sheegay in ciidanku wadaan sifayn ku aadan goobaha laga xoreeyey cadowga iyagoo la kaashanaya ciidanka booliska iyo kuwa Nabad Gugida Qaranka.

Sidoo kale waxaa war bixin laga dhagaystay wasiiru dowlaha arimaha Gudaha wuxuuna tilmaamay in la dhamaystirayo waqti dhow ciidankii booliska ahaa ee lagu wareejin lahaa goobaha laga saaray Al-shabaab sida Balcad waxaana uu ka dhawaajiyey in ay cutubyadii ugu horeeyey oo ah boolis ka socda AMISOM ay soo gaareen Magaalada Muqdisho islamarkaana u howl gali doonaan si la mid ah sida ciidanka booliska Soomaaliyeed u shaqeeyaan.

Waxaa sidoo kale Warbixin laga dhageystay Wasaarada Dastuurka oo ku aadan halka uu marayo soo gudbinta Ergadii ansixinta Dastuurka waxaana uu sheegay wasiirku in Odayaasha Qhaqanka qaarkood soo gudbiyeen Ergadii ansixin la heyd Dastuurka inta dhimana ay rajo ka qabaan inay ku soo gudbiyaan xiliigii loogu tala galay sida uu qorshuhu yahayna uu furmo Shirkii lagu Ansixin lahaa Dastuurka.

Ugu dambeyntii Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta, ayaa warbixin isna siiyey Golaha arrimaha ku saabsan Garsoorka waxaana uu xusay in wasaaradiisu ku dadaalayso sidii loo soo dhamaystiri lahaa dhamaan laamaha Cadaaladda si loo helo Garsoor hufan oo kula xaqsoora Bulshada Cadaaladduna ay ka mid tahay mabaadi’da asaasiga u ah Dowladnimada, siyaasada xukuumadana ay tahay hirgelinta iyo horumarinta Cadaaladda.


Afhayeenka dhinaca howlgalada xarakada al shabaab Sheekh C/.csiis Abuu Muscab aya waxa uu sheegayin ay jidka u galeeen ciidamada dowlada Itoobiya kuwaasi oo sahay u soo qaaday cioisamada Itoobiya eek u sugan degmada Xudur ee Gobolka Bokool halkaana ay kula dagaalameen ciidamada Itoobiya Mudo Sadax malmood ah waa sida uu sheegay afhayeenka Shabaab

Abuu Muscab ayaa dhanka kale waxa uu tilmaamay in Kenya iyadoo nabad heysata ay ku soo xad gudubtay gudaha dalka Soomaaliya iyana ay iska difaaceen dagaalna ay kala hortageen waxaana uu intaas ku daray in ay qaraxyo wawaeyn ay ka geesan doonaan gudaha dalka Kenya

Ilaa iyo hada ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha ciidamada Itoobiya oo ah sheegasha ay shabaab ka sheekteen in ay dagaalo ay guulo ka gareen ay la galeen ciidamada Itoobiya


 


 

Xaafiiska Wararka Warlalis.com

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

( Riix halkaan )
2012.03.09



Halkaan ka daawo Xalwo Boolimoog Sweden