Raisul
wasaaraha oo ku dhawaaqaya Golaha wasiiradda
Waxaa soconeysa qaban qaabadii u dambeysay oo Raiisul
wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon uu ku doonayo in
uu ugu dhawaaqo Golaha wasiiradda Xukuumadiisa.
Warar hoose ayaa sheegaya in ay suura gal tahay in maanta
uu ku dhawaaqo Raiisul wasaaraha xubnaha Golaha wasiiradda,
isaga oo xalay ilaa maanta wada wadatashiyo uu la qaadanayo
Madaxda dowladda, beesha Caalamka iyo Qeybaha kala duwan ee
bulshada.
Waxaan wali cadayn inta ay noqon doonto tirada Wasiiradda
oo ay ku muran sanaayeen Madaxweynaha oo qaba in laga dhigo
10 xubnood iyo Raiisul wasaaraha oo taasi ka biya diidan
oo doonaya 18 wasaaradood si loo qanciyo beelaha Soomaaliyeed.
Raiisul wasaaraha oo la siiyay mudo bil ah in uu kusoo
dhiso Xukuumadda ayaa daahidiisa waxaa loo sababeynayaa muran
isaga iyo Madaxweynaha ee ku aadan tirada wasiiradda inta
ay noqonayaan.