Gudiga dastuurka oo sheegay
in qodobo aysan ka warheen lagu daray dastuurka .

C/aalhi Xasan Jaamac oo ah Gudoomiyaha Gudiga
dastuur u sameynta soomaliya ayaa waxa uu sheegay in dowlada
KMG ah soomaaliya ay dastuurka kusoo kordhisay qodob iyada u
gaar ah oo aan horay ugu jirin dastuurka oo ka horimaanaya midka
uu Gudiga qoray.
Gudoomiyaha tilmaamay in ay kala duwan yihiin
qodobada ay dowlada ku soo birisay dastuurka iyo qodobada ay
horay u diyaariyeen Gudiga, isaga oo shegay in Saxiixayaasha
ay ku soo kordhiyeen ku dhawaad 70 qodob oo aan horay ugu jirin
dastuurka oo uu sheegay in aysan wax dan ah ugu jirin Umada
islamarkaana keeni kara isku dhacyo Umada dhexdeeda ah
Dastuurka cusub ee soomaaliya ayaa lagu waday
in maalinta Sabtida ah la horgeeyo culuma udiinka soomaliya
balse gudoomiya ayaa waxa uu shegay in aysan horgeen doonin
culumada islamarkaana aysan qaadi doonin Masuuliyada waxii
ka yimaada dastuurka maadaama uu sheegay in awoodii lagala wareegay
oo saxiixayaasha ay ku wareejiyeen howsha Gudi farsamo.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com