Shaaficiyah.com
» Arts-Osmanart
»
AfrikadaBari
» Albisri.4t.com
» AllPuntland
» Allsomali.com
»
Arlaadi Online
»
Arlaadinet 
» Afgoi.com
» Ahlusunn
a.org
» Amin Art
» Bakaaraha
»
Barawapost
» Banaadiri
» Baafin.com

» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Calanka.com

» Codk Somali

» Cayaaraha

» Cadaado

» CeelBuur

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet

» Galgaduud.net

» 2garre
» Gedonet

» Gedohomepage

» Geeska Afrika

» Goldogobsite

» Goobjoog

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Kartuun.com

» Kasmo(Wargeys)

» Lafoole.com

» Marka Caddeey

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Mustaqiim.com

» Midnimo.com

» Nurudin

» nuuruliimaan
» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

»Shabelle

» Shariica.com

»Somalifans.net

»Somaliweyn

»Waagacusub

»Warlalis.com

»Warsheekh

Guddiga Dastuurka Qabyo qoraalka oo sheegay in Dastuur aan ahayn kii ay umadda Sooaamliyeed u diyaariyeen la soo wado.... Yaa wada Dastuurkaan cusub???


Shir ay maanta isugu yimaadeen magaalada Muqdisho xubnaha guddiga madaxa Banaan ee dastuurka Qabyo qoraalka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxda Dawladda iyo Amb. Mahiga inay soo farageliyeen dastuurkii ay usoo diyaariyeen umadda Soomaaliyeed, dastuurkaas oo ay sheegeen inuu dastuur u qalma shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka madaxa banaan Cabdulaahi Xasan Jaamac oo la hadlay saxaafadda kulankii ay maanta yeesheen kadib guddigii dastuurka ayaa sheegay in hoggaanka dalka uu kusoo wargeliyey in hawshii ay ka hayeen dasruurka loo weeciyey gudi farsamo oo isugu jira wasiirro iyo xubno kale kuwaasi oo lagu soo magcaabay shirkii saxiixayaasha Road Mabku ku yeesheen magaalada Nairobi, guddigaas Farsamo ayaa la sheegay inuu gudoominayo Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh.

Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka C/laahi Xassan Jaamac ayaa sheegay in Dastuurka ay soo wadaan guddiga Farsamo oo ay magacaabeen Saxiixayaasha aysan waxba kala socon, iyada oo la sheegayo in guddigaan Farsamo oo aan ahayn dad ehel u ah dastuur samayn ay soo wadaan dastuur aan u qalmin umadda Soomaaliyeed. Gudoomiyaha Guddiga ayaa sheegay in umadda soomaaliyeed ay aayaheeda ka tashato.

Cabdulahi Xasan Jaamac ayaa sheegay in go’aankii horey loo gaaray ee ahaa in dastuurka qabyo qoraalka loo soo bandhigo Culimaudiinka iyo Odayaasha dhaqanka soomaaliyeed lagu soo wargeliyey in ay joojiyaan arintaasna ay iyaguna usii gudbiyeen odoyaasha dhaqanka soomaaliyeed oo ka sugayay inay u gudbiyaan Dastuurka qabyo qoraalka Soomaaliya.

Dastuurka cusub oo ay soo wadaan guddiga farsamo oo uu gudoominayo Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh ayaa la sheegayaa inuu yahay Dastuur gebi ahaan ka duwan dastuurkii ay diyaariyeen Guddiga Dastuurka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Cabdulaahi Hassan Jaamac, Dastuurka ay diyaariyeen guddigaas ayaa ahaa mid loo soo bandhigay umadda Soomaaliyeed iyaga oo lagala socodsiin jiray dhinaca Saxaafadda.

Dastuurkaa ay diyaariyeen guddiga dastuurka ayaa ahaa mid ku salaysnaa inta badan rabitaanka shacabka, balse dastuurka hadda la soo wado ayaa la sheegayaa inuu yahay mid la waafajiyey Dastuurka Puntland, iyada oo ay iska kaashadeen joojinta Dastuurkii shacabka loo diyaariyey Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan faroole, Wasiirka Dastuurka cabdiraxmaan Xoosh iyo Amb. Mahiga.

Madaxda wadata Dastuurkaan cusub kaas oo ah mid qarsan lana filayo inay ku jiraan waxyaabo badan oo lagu dhibaataynayo midnimada, Diinta iyo wadajirka Soomaaliya ayaa la diidey in loo soo bandhigo Culumaa’udiinka iyo Odoyaasha dhaqanka Soomaaliya.

Odoyaasha dhaqanka Soomaaliya iyo culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa shacabka Soomaaliyeed dhowrayaan go’aanka ay ka qaataan dastuurkaan ay wataan dadka gaarka ahi. Waxaa wax lala yaabo noqotay in dastuur laga soo shaqeynayay sanado badan la iska tuuro saacadihii ugu danbeeyay laguna bedelo dastuur ay wataan shaqsiyaad dano gaar ah ka leh dalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee dastuurkaan cusub waxaa wata xubno isugu jira Soomaali iyo Ajaanib kuwaas oo diidey in culimada iyo odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed la tuso dastuurkii saxda ahaa, waxaa kale oo xubnahaani diideen in odoyaasha dhaqanka ay noqdaan aqalka sare ee Dalka Soomaaliya yeelan doono, iyo in xubnaha Baarlamaanka laga dhigo 275 xubnood si ay u fududaato in qabaailka Soomaaliya ay qeybsadaan xubnaha Baarlamaanka, maadama ay horey 275 xildhibaan qabaailka soomaaliyeed uu ku soo qeybsaday shirkii lagu soo dhisay Dawlada TFG-da ee lagu qabtay Dalka Kenya.

Halkaan ka akhri dastuurka Puntland

http://www.biyokulule.com/dastuurkapuntlandpart1.htm


 

Xaafiiska Wararka Warlalis.com

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

( Riix halkaan )
2012.03.09



Halkaan ka daawo Xalwo Boolimoog Sweden