Gudoomiyaha
gudiga madaxa banaan oo dalka ka baxay maxaa keenya arrintaasi
Shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho Gudoomiyaha
Gudiga
dastuurka barlamanka C/qaadir Sheekh Ismaaciil ayaa waxa uu
ku
sheegay in Gudoomiyaha Gudigii madax banaanaa ee dastuur uu
sameynta
Soomaaliya uu dalka ka baxay kadib markii sida uu sheegay
lagu
eedeeyay inuu ka tirsan yahay Xarakada Al Shabaab, isaga oo
dhinaca
kale tilmaamay in Saxiixayaasha ay ku qasabayaan Odayaasha
inay si
qasab ah ku ansixiyaan dastuurka hadii kalana loo aqoonsanayo
inay
yihiin Al Shabaab.
Gudoomiyaha Gudiga dastuurka barlamanka C/qaadir Sheekh Ismaaciil
ayaa intaasi ku daray in uu dhamaaday waqtigii Saxiixayaasha
Roadmapka oo uu sheegay inay ceebeysan yihiin maadaama lagu
eedeeyay
inay lunsadeen Malaayiin dollar islamarkaana ay garab ka waayeen
Mahiga oo uu sheegay inay bahwadaag ahaayeen.
Wasaaradda dastuurka iyo arrimaha Federalka dowladda ayaa
waxa ay
sheegtay inay kala dirtay Gudiga madaxa banaan ee dastuur
u sameynta
dalka oo wasaaradda ay sheegtay in shaqadiisa ay dhamaatay
inkastoo
Gudiga uu arintaasi ku gacan seeray.