Dalka
iyo dibadda oo laga soo dhaweeyay Madaxweynaha cusub
Qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho
iyo gobolada dalka Soomaaliya oo Warlalis uu weydiiyay aragtidooda
ku aadan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxud
ayaa waxa ay soo dhaweeyeen Madaxweynaha cusub.
Qeybaha kala duwan ee bulshada oo rag iyo dumarba leh ayaa
waxa ay sheegeen in doorashadaani ay u arkaan mid xalaal islamarkaana
ay taageersan yihiin isbadalka cusub ayna rajeynayaan in waxii
xiligaan ka dambeeya in Soomaaliya ay soo ceshato nabeeda.
Dadka oo banaanbaxyo waa weyn oo ay ugu dabaal dagayeen Madaxweynaha
cusub ka dhigay magaalooyinka Soomaaliya iyo kuwa dalalka
Caalamka oo ay Sooamalida ku nool yihiin ayaa waxa ay ka codsadeen
madaxweyne Xasan Sheekh Maxud oo dib usoo celiyo dowladii
Soomaaliya iyagana ay garab taagan yihiin.
Dabaaldagyadaani ayaa waxa Ay imaanayaa xili Madaxweynihii
hore ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed laga guulaystay kaasi
oo dad badan ay u arkeen in uu kusoo bixi karo doorashada
hase ahaatee uu daadka qaaday.