Munaasabad lagu xusayey
1-da Luuliyo oo uu soo qabanqaabiyey Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur
ayaa Maanta lagu qabtay Hoteel Safaari ee Magaalada Muqdisho,
Musharaxa oo soo dhoweeyay in wadahadal lala galao Somaliland
inuu muhiim yahay balse uusan noqon karin qudbosiro!!

Munaasabad si heersare ah loo agaasimay laguna
maamuusayey Maalinta xornimada iyo Midnimadda Soomaaliya 1-da
Luuliyo ayaa maanta lagu qabtay Hoteel Safaari ee magaalada
Muqdisho, Xafladaan oo ay kasoo qeyb galeen dad kor u dhaafaya
500 oo qofood oo isguna jira Siyaasiyiin , Xildhibaano, Oday
dhaqameedyo , aqoonyahano, Dhalinyaro, haween iyo dhamaan qeybaha
kala duwan ee bulshada ayaa la sheegay inuu soo qabanqaabiyey
Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo halkaasi
ka jeediyey qudbad aad u qiimo badan oo ku saabsaneyd muhiimadda
Xornimada iyo sida ay muhiimka u tahay in aanu ilaashano, Musharaxa
ayaa sheegay in xornimadaan dadkii hormuudka ka ahaay ay ahaayeen
13 dhalinyaro ah oo aan qabiil lug ku laheyn balse ahaay wadaniyiin
Soomaaliyeed.
Musharaxa oo sii wata qudbadiisa ayaa sheegay
in ay muhiim tahay Soomaaliya iyo Somaliland inay wadahadlaan
balse inaysan ahayn in wadahadalada lala gelayo Somaliland inay
qudbasiro noqdaan, wadhadalaasi uu sheegay in siyaasiyiinta
Soomaaliya ay ka qeyb galaan.
Sidoo kale waxaa halkaasi qudbo qiimo leh ka jeediyey
Dr Cabdullahi Sheekh Daahir oo ah Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga
Nabada isaga oo sheegay in maanta oo ah 52 guurada Maalinta
Xornimada iyo Midnimada Soomaaliya ay tahay maalin naga mudan
qadarin weyn, Dr cabdulaahi ayaa sidoo kale sheegay in uu si
weyn u taageersan yahay Musharaxnimada Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Dr Cabdullaahi Sheekh Daahir ayaa sheegay in dalku
u baahan yahay isbedel aysana suuragal ahayn madaxda xiligaan
oo waxqabadkooda la arkay inuu aad u yar yahay markale lagu
tijaabiyo xukunka isaga oo sheegay in umadda Soomaaliyeed ay
leedahay aqoonyahano badan oo dalka ka saari kara dhibaatada
iyo colaadaha uu ku jirey 22-dii sano oo lasoo dhaafay dadkaasina
uu ka mid yahay Musharaxa Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Sikastaba ha ahaatee munaasabada 1-da Luuliyo
ayaa xalay ilaa maanta dalka gudihiisa iyo dibadiisaba aad loga
xasay iyadoo soomaalida aad moodo in ay wadaniyadii dib usoo
laabanayso.







Xaafiiska Wararka Warlalis.com