Amb. Mahiga iyo Shariif
Xasan oo la sheegayo inay Galeen Heshiis sheegaya in Mahiga ku
taageero... Heshiisku muxuu yahay?
Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif
Xasan Sheekh Aden oo haddana ah mid ka mid ah saxiixayaasha
Road mabka iyo wakiilka qaramada midoobay Amb. Mahiga ayaa la
sheegayaa inuu dhex maray heshiis dhigaya in Amb. Mahiga uu
kala shaqeeyo Shariif Xasan sidii uu mar u noqon lahaa Madaxweynaha
Soomaaliya.
Heshiiskaas ayaa la sheegayaa inuu Shariif Xasan
uu isna dhinaciisa ku balan qaadey in hadii uu ku guuleysto
inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya uu ku taageeri doono Amb
Mahiga lacag gaaraysa 30 Milyan oo Doolar, lacagtaas oo la sheegay
in Amb Mahiga uu qorsheynayo inuu ku galo Doorashada Madaxweynanimada
Dalka Tansaaniya, maadaama madaxweynaha hadda xilka haayo ay
u dhamaanayso labadiisa jeer ee uu tartami karo, doorashadaas
ayaa dhici doonto 2015-ka sanadka marka uu yahay.
Amb Mahiga ayaa ah ninkii ka danbeeyay in dalka
Soomaaliya loo sameeyo koox ka kooban 6 qof oo loogu yeero saxiixayaasha,
kooxdaas oo aan lahayn awood gaar ah oo ay uga duwan yihiin
siyaasiyiinta kale ee Soomaaliya, sidoo kale wakiilka UN-ka
wuxuu ku guuleystay inuu ka taqaluso Baarlamaanka Soomaaliya,
isaga oo socodsiiyey heshiiska lagu magacaabo Road Mabka , heshiiskaan
oo aan la horgeynin Baarlamaanka soomaaliya.
Odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo horey Amb.
Mahiga iyo saxiixayaashu ugu sheegeen inay yihiin dadka iska
leh goaanka umadda Soomaaliyeed ayaa iyagiina hadda ay
ka soo yeertay qeylo iyagoo sheegay in si cadaan ah qaar ka
mid ah saxiixayaashu u dhaheen odoyaasha dhaqanku soo jeedin
uun bey leeyihiin ee goaan malahan, arintaas oo la sheegayo
inuu gadaal ka riixayo Madaxweynaha Rasmiga ah ee Dalka Soomaaliya
Amb. Mahiga, odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale
si hoose u sheegay inaysan xor aheyn, aysana arki karin cid
aan aheyn madaxda dawladda, iyaga oo sheegay in hadda arintu
u egtahay inaysanba madax banaani haysan.
Heshiiskaan ay wada galeen labada nin ee kala
ah Shariif Xasan sheekh Aaden iyo Amb. Mahiga ayaa ilaa hadda
dhaqangelintiisu u socotaa sidii loogu talo galay, iyada oo
Shariif Xasan uu yahay ninka kaliya ee madaxbanaani aan caadi
ahayn loo siiyey inuu isaga kaligiis soo xulo odoyaasha dhaqanka
ee ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle.
Shariif Xasan sheekh Aaden ayaa la sheegayaa isaga
oo isku qaba kalsooni aan caadi ahayn uu sheegay in siyaasiyiinta
ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle oo aan isaga ku siyaasadda
aheyn aysan soo geli doonin Baarlamaanka Cusub, siyaasiyiintaas
oo la sheegay inay ka midka yihiin Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka
Sheekh Aden Madoobe, Gudoomiyihii garab kamid ahaa Baarlamaanka
Madoobe Nuunoow, wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Cabdixakiin
Fiqi, Sheekh Nur Ali Aden iyo Cabdicasiis Laftagareen oo iyagana
la sheegay inay galeen tartankii doorashada gudoonka Baarlamaanka
kadib markii Baarlamaanka soomaaliya uu cod khilaaf laga keenay
ku tuuray Shariif Xasan.
Si kastaba ha ahaatee Shariif Xasan Sheekh Aden
ayaa ilaa iyo hadda wuxuu ahaa ninka kaliya ee siyaasadda kusoo
guuleysanayey ilaa iyo intii uusoo galay siyaasadda, iskudaygaan
ugu danbeeya oo uu ku doonayo inuu ku noqdo Madaxweynanimada
dalka Soomaaliya ayaan la ogeyn sida uu ugu guuleysan doono
maadaama awood qeysiga dalka ay inta badan beeshiisu qaadan
jirtay Gudoonka Baarlamaanka.
Shariif Xasan ayaa sheegay in Beesha Digil iyo
Mirifle aysan isku soo sharixi doonin gudoonka Baarlamaanka
isaga oo la sheegay inuu diyaarsaday laba nin oo kasoo kala
jeeda Beelaha Hawiye iyo Daarood labadaas oo uu midkood doonayo
inuu ku soo baxo Gudoonka Baarlamaanka, labadaas nin ayaa midkood
la sheegay in lagu Magacaabo Mustaf Dhuxuloow, oo sida la shegay
qaraabo la ah mid kamid ah xaasaska Shariif Xasan, Mustaf Dhuxuloow
ayaa hadda u ah Shariif Xasan Sheekh Aden mid kamid ah xogheytiisa
gaarka ah ee qoraalada u sameeya.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com