Hayaddo
ka digay xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee xerada Dhadhaab
ku jira.
Hayaddaha Oxfam iyo Save The Children oo ka ah hayado
samafal ayaa
digniin ay soo saareen waxay ku sheegeen inay halis ku jirto
xaaladda
nololeed qaxooti fara badanoo Soomaaliyeed oo kujira xerada
qaxootiga
Dhadhaab ee wadanka Kenya ku taala.
Bayaan ay soo saareen hayaddahaan oo ay wheliyaan illaa
iyo 6
hayadood oo kale ayaa waxaa ay sheegeen inay u baahan
yihiin dhaqaale
gaaraya $25m oo u dhiganta (£16m) si wax loogu qabto
in ka badan nus
mallion ruux oo qaxooti Soomaali ah kuwaasoo ay xaaladoodu
hadda tahay
mid halis ku jirto sida bayaanka ku qoran.
Hayadahaan ayaa sheegay inay sii dhamaanayso lacagaha
ay hadda hayaan
isla markaana ay u baahan yihiin dhaqaalo ay ku fududeeyaan
hawlaha
samafalka ay u hayaan qaxootiga Soomaaliyeed.
In ka badan 30,000 guri ayay sheegeen inay u baahan yihiin
in loo
dhiso qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira qaxootiga Dhadhaab
oo ah
xerada ugu weyn ee dalka Kenya ku taala.
Dad badan ayaa ku nool guryo teendhooyinka sameysanoo
ay si fudud u
bur burin karto cimilada gobolka ka jirta marka waa in laga
shaqeeyaa
sidii kaalmo loo gaarsiin qaxoootigaan oo aynu u hayno lacag
dhan
4,000 oo Dollar ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay
hayaddaha
samafalka.
Madaxa hayadda Care international ee dalka Kenya Stephen
Vaughan ayaa
sheegay inay jirto cabsi ah in xerada uuka dilaaco cudurka
daacuunka
isla markaana ay adkaan karto in caruurtu goobaha waxbarashada
aadaan.