Howgal
dad iyo hub lagu qab qabtay oo ka dhacay Muqdisho
Howlgal dad lagu qabtay ayaa waxa ay xalay ciidamada dowladda
KMG Soomaaliya ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho
kaasi oo amaanka lagu xaqiijinayay.
Baaritaani oo ay iska kaashanayeen ciidamada Milatariga dowladda
gaar ahaan kuwa Nabad sugida ayaa xalay ciidamadu ka fuliyeen
dhammaan isgoysyada magaalada Muqdisho iyadoo la baarayay
dadka iyo gaadiidka waxaana muddadii uu socday lagu soo qabtay
hub iyo tiro dad ah oo lagu tuhunsanaa in ay wadeen falal
amnidarro ah.
Hayadda Nabad sugida ayaa sheegtay in howlgalka xalay
laga fuliyay isgoysyada magaalada ay ujeedadiisu aheyd sugidda
ammaanka caasimadda, iyaga oo sheegay in howlgalkaani laga
bilaabay wadada Maka Al Mukarama laguna soo qabtay dad aysan
tiradooda cadeen iyo hub.
Magaalada Muqdisho ayaa xiliyada habeenkii ah waxaa ka dhaca
dilal qorsheysan taasi oo keentay in ciidamada dowladda ay
sameeyaan baaritaano joogta ah oo amaanka lagu xaqiijinayo.