Hub
iyo Waxyaabo qarxa oo laga helay Kismaayo
Afhayeenka ciidamada Ururka Raaskambooni oo la hadlay warlalis
ayaa
waxa uu sheegay in howlgal ay ka sameeyeen ciidamadooda magaalada
ay
ku qabteen saanad milatari oo ay ka mid yihiin hub iyo miinooyinka
qarxa.
Seeraar waxa uu sheegay in hubkaasi ay ka heleen guri ku
yaalla
magaalada, waxaana uu sheegay in ay u suura galisay helida
hubkaasi
kadib markii ay kusoo wargaliyeen arintaasi dadka deegaanka
oo uu
sheegay inay gacan siinayaan.
Waxa uu meesha ka saaray in ay dad lasoo qabteen hubkaasi
balse ay
jiraan dad kale oo ku qabteen howlgalo caadi oo ah magaalada
Kismaayo
ay ka wadaan
Sarkaalkaani ayaa waxa uu sheegay in dadka ay soo qabteen
ay isugu
jiraa kuwa shacab ah iyo kuwa Shabaab ah intaba balse ay kala
saarayaan, isaga oo beeniyay warar sheegaya in dhibaatooyin
ay ka mid
tahay jirdil dadka la qabto loo gaysto.
Magaalada Kismaayo ayaa tan iyo markii la wareegeen ciidamada
huwanta
ah iyo kuwa Kenya waxaa ka soconayay howlgalo baaxad weyn
oo ka
dhacayay magaalada kuwaasi oo lagu qabtay dad badan oo ka
tirsan Al
Shabaab.