Shabaab
oo loogu baaqay inay hubka dhigaan.
Qeyb ka mid ah Shir jaraaid oo Afhayeenka
Ciidamada AMISOM Kornel
Cali Aadan Xumed uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa
uu baaq ugu
jeediyay dhalinyarada u dagaalanta Ururka Al Shabaab oo uu
ka
dalbaaday inay iska dhigaan hubka. Kana fakaraan mustaqbalkooda.
Waxaa loo baahan yahay in Shabaab ay iska daayaan dhibaatada
ay ka
waadaan Soomaaliya waxaa cagta la saaray wadadii lagu soo
celin lahaa
nabadii iyo dowladnimadii Soomaalida, hadii aad dhigtaan hubka
Shabaab
amaankiina anaga ayaa damaanad qaadeena ayuu yiri Cali
Aadan.
AL Shabaab ayaa marar badan loogu baaqay inay iska dhigaan
hubka oo ay
qaataan Nabadda, hase ahaatee Saraakiil ka tirsan Al Shabaab
ayaa
sheegay in waxa kala dhaxeeya dowladda kaliya ay tahay dagaal,
maadaana ay sheegeen in dalka uu kusoo duulay Cadow.