IGAD IYO AMISOM OO SHIR
U QABTAY KOOXO LAGU SHEEGAY KOOXAHA AY QUSEYSO BEELAHA SOOMAALIDA
INTA BADAN?? KOOXASAASI WAA KUWEE?? QABAAILKA SOOMAALIDA EE DEGAN
JUBOOYINKA INTOODII BADNEYD OO AAN SHIRKAAN QEYB KA AHEYN!!!
Wadamada IGAD iyo AMISOM ayaa shir ugu qabtay
magaalada Nairobi ee Dalka Keny kooxo lagu sheegay kooxaha ay
quseyso Jubooyinka Kooxahaas ayaa kala ah Asaaniya, Ahlusunna
Waljameeca Gedo, Raas Kambooni, Harti Guruub, iyo xubno ka tirsan
Dawladda Soomaaliya oo uu soo diray Raisul wasaare Cabdi weli.
IGAD iyo AMISOM ayaa u sheegay ka qeyb galayaasha
shirkaan ka dhacaya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya in Bisha
July dhexdeeda la qaban doono Magaalada Kismaayo ayna tahay
Kooxahaan kala gedisan oo kuligood wada sheegta inay Jubooyinka
ka socdaan inay ku heshiiyaan sidii maamul mideysan loogu samayn
lahaa goboladda Jubooyinka iyo magaalada muhiimka ah Kismaayo.
Kooxahaani ka shiraya arinta Magaalada Kismaayo
ayaan wada aheyn kooxo degaan ahaan ka soo wada jeeda Jubooyinka,
balse shirkaani ayaa u muuqda shir loo qabtay beel ka mid ah
Beelaha Soomaaliyeed, shirkaan ayaa la filayaa inuu ka abuuro
jubooyin colaad hor leh oo dhex marta Beelaha Soomaaliya.
Beelihii Degaan ahaan kasoo jeeday degaanada Jubooyinka
ayaan intooda badan laga wicin shirkaan Gaar ahaan Beelaha Hawiye,
Dir, Digil iyo Mirifle iyo Beelaha Jareerweyne, shirkaan ayaa
u muuqda mid lagu doonayo in lagu abuuro colaad ka abuuranta
Maamul u samaynta Gobolada Jubooyinka. Qeybaha shirkaan kuwada
kulansan ayaa sidoo kale ahayn kooxo ku heshiin kara Maamul
maadaama ay kooxahaani ay salka kula wada jiraan dawlado ka
mid ah Dawladaha IGAD.
Dawlada Soomaaliya Madaxweynaheeda iyo Wasaaradda
Arimaha Gudaha Soomaaliya oo ay aheyd haddii Maamul loo samaynayo
Degaan ka mid ah Gobolada Soomaaliya inay iyagu maamulaan ayaan
kaba warqabin shirkaan oo aanba lagu casuumin. sida IGAD iyo
AMISOM u wadaan shirka ka socda magaalada Nairobi ayaa muujinaysa
sida Dawladda Soomaaliyeed aysan gacanta ugu heynin waxa ka
dhacaya Dalka Soomaaliya ama ay madaxda Soomaaliya aysan uga
shaqeyneynin Danaha Dalka Soomaaliya balse ay uga shaqeynayaan
qaarkood danaha Qabiilkooda kaliya sida uu haatanba sameeyay
Raisulwasaare Cabdiweli.
Waftiga raisulwasaaruhu u soo diray shirkaan ayaa
la sheegay inuu yahay wafti ku socda qaab beeleed oo uusan waftigu
aheyn wafti matala dhamaan umadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaaliya Sh Shariif Sheekh Axmed
iyo Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha iyo amniga qaranka Mr
Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ah madaxa wasaarada ay quseyso
arinta Maamul u samaynta Dalka Soomaaliya ayaan la ogeyn goaanka
ay ka qaadan doonaan shirkaan lagu majara habaabinayo Maamul
u samaynta Goboladda Jubooyinka oo la sheegay in Wasaaradda
Arimaha Gudaha ay haatan gacanta ku hayso.
Waxaa wax lala yaabo ah kana hor imaanaysa Qaranimada
iyo jiritaanka dalka Soomaaliya in shir loogu sameynayo Maamul
gobolo ka mid ah Dalka Soomaaliya lagu qabto wadan kale, shirkana
ay soo abaabulaan wadamada iyaga danta ka leh Goboladaas iyaddoo
Madaxweynihii Dalka Soomaaliya aan lagala tashan hawshaan laga
wado dalka Kenya iyadoo sidoo kalana Wasiirkii Wasaaradda Aimaha
Gudaha uusan la socon goobjoogna uusan ka aheyn shirkaani.
Dawladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa la shegay inay
ku heshiiyeen in ciidamadoodu ay si wada jir ah u qabtaan Magaalada
Kismaayo oo ah Magaalo muhiim ah, iyada oo la filayo in magaaladaasi
uu ka dhici doono is qabqabsi aad u weyn oo dhex mara kooxaha
Soomaaliya.
Qorshe Maamul loogu samaynayo Goboladda Jubooyinka
oo ay wado Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya iyo Qorshahaan
isagana lagu sheegay in Maamul mid ah loogu samaynayo Goboladda
Jubooyinka oo lagu qabanayo Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya
ayaa ah labo qorsho oo aan isla socon Karin, naiijada kasoo
baxaysana ay noqon doono markii Alshabaab laga saaro gobolada
Jubooyinka in khilaaf iyo dagaalo kale ay ka dhici doonaan goboladda
Jubooyinka.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com