Ikmaaludiin
Ixsaan oo la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh
Xoghayaha Ururka Iskaashiga Islaamka Ikmaaludiin Ixsaan iyo
Wafdi uu
hogaaminayo oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxa
uu
kulamo la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya.
Ikmaaludiin Ixsaan oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta
ayaa waxa uu
sheegay in uu ku faraxsan yahay isbadalka ka dhacay Soomaaliya
oo uu
sheegay in uu kusoo aaday waqti wanaagsan oo dowladda hore
ay wax
badan qabatay, isaga oona soo dhaweeyay guulaha ay gaareen
ciidamada
dowladda iyo AMISOM.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa qeexay inuu ku faraxsan
yahay
booqashada Xoghayaha Ururka Iskaashiga Islaamka, isaga oo
sheegay in
Ururka Iskaashiga Islaamka uu wax badan u qabtay Soomaaliya
hadana ay
taageero ka dalbanayaan.
Booqashadaani ayaa waxa ay imaaneysaa xili Hogaanka ay qabteen
dowladda Soomaaliya Madax ku cusub siyaasada Soomaaliya.