Masuul ka tirsan
dowladda oo dil ka badbaaday

Cumar Cabdulle (Jacfaan) oo ah Gudoomiyaha Degmada
Huriwaa ee dowladda KMG ah ayaa sheegay inuu ka bad-baaday isku
day dil oo lagu doonayey in isaga lagu khaarajiyo.
Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay in hoyga uu ka
dagan yahay degmada ay weerar ku soo qaadeen rag hubaysan hase
ahaatee waxa uu sheegay in ay iska caabiyeen ilaaladiisa weerarkaasi.
Cumar ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada
Degmada heliwaa ay ku soo qabteen ilaa seddex ruux oo lagu tuhmay
inay ku lug lahaayeen weerarkii gurigiisa lagu qaaday habeen
ka hor isagoona sheegay inay saldhiga degmadaasi ku xiran yihiin.
Degmada heliwaa ayaa waxa ay ka mid tahay goobihii
ay sanado ka dib dawlada kala wareegtay shabaab ka dib markii
ka baxeen al shabaab Magaalada Muqdisho.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com