Japan oo waqtiga u kordhisay
ciidamada ka jooga xeebaha Soomaaliya
Dowladda Japan ayaa waxa ay hal sano oo dheeri ah ku dartay
waqtiga ciidamadeeda ladagaalanka burcad badeeda ay sii joogayaan
badda Soomaaliya.
Saraakiisha dowaldda Japan ayaa maanta shaaca
ka qaaday in hal sano ay u kordhiyeen maraakiibtooda dagaal
iyo ciidamadooda ka jooga xeebaha Somalia kuwaas oo qeyb ka
ah howlgalka Atlanta ee ka dhanka ah kooxaha burcad badeedda
soomaalida..
Afayeen u hadlay ciidamada badda dowladda japan
ayaa sheegay in xukuumadda japan iyo barlamaanka dalkaasi ay
isku raaceen in waqtiga loo kordhiyo ciidamada iyo maraakiibta
dagaal oo dowladda japan ay leedahay ee ku sugan biyaha Somalia
kuwaas oo waqtigoodu uu ku ekaa 23-ka bishan July.
Waqtigeenu waxa uu ku ekyahay bishaan july
23 keeda , waxaana isla korowsannay in la gaarsiiyo 23-ka july
ee sanadda 2013-kasidaana waxaa yiri afhayeenka ciidamada
badda dowladda Japan .
Afhayeenka ayaa intaa hadalkiisa ku daray in qorshuhu
uu yahay in dowladda japan xeebaha somalia ay u soo dirto maraakiib
dagaal iyo ciidamo dheeri ah kuwaas oo kaalintooda ka ciyaara
la dagaalanka kooxaha burcad badeedda soomaalida oo adduunka
oo idi uu u caal waayay kuwaas oo maraakiibta ka qafaasha goobo
fog fog oo ka baxsan biyaha Somalia.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com