Ciidamada
Ethopia oo ka baxay Baledweyne maxuu yahay qorshahooda
Iyadoo warar soo baxayay ay sheegayeen in ciidamada Ethopia
ay ka
baxeen magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa
arintaasi
xaqiijiyay Maamulka dowladda ee gobolka kaasi oo sidoo kale
sababta
sheegay.
Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ahna ku simaha Gudoomiyaha
Axmed
Cismaan Inji ayaa u sheegay Warlalis in ciidamadaasi ay jirto
inay ka
baxeen magaalada balse waxa uu sheegay in aysan meel uga socon
gobolka
oo ay ku sugnaanayaan qorshahoodana uu yahay inay weeraro
ku qaadaan
degmooyinka Jalalaqsi iyo buulo-burde oo ay maamulaan Shabaab.
Inji ayaa sheegay in ciidamada Ethopia ujeedkooda uu yahay
inay ka
saaraan Al Shabaab meelaha kale oo ay kaga sugan yihiin gobolka
Hiiraan, isaga oo sheegay in magaalada ay ka baxeen ciidamadaaasi
ay
hada amaankeeda la wareegeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda
Soomaaliya.
Ciidamada Ethopia ayaa magaalada Baledweyne qabtay horaantii
sanadkaani 2012 markaasi oo dagaal looga saaray Kooxda Al
Shabaab.