» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Calanka.com

» Codk Somali

» Cayaaraha

» Cadaado

» CeelBuur

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet

» Galgaduud.net

» 2garre
» Gedonet

» Gedohomepage

» Geeska Afrika

» Goldogobsite

» Goobjoog

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Kartuun.com

» Kasmo(Wargeys)

» Lafoole.com

» Marka Caddeey

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Mustaqiim.com

» Midnimo.com

» Nurudin

» nuuruliimaan
» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

»Shabelle

» Shariica.com

»Somalifans.net

»Somaliweyn

»Waagacusub

»Warlalis.com

»Warsheekh

Kenya oo iska fogeysan in shidaal qodis ay ka wado Soomaaliya

 

Dowladda Kenya oo lagu eedeeyay inay shidaal qodis ka wado Soomaaliya ayaa waxa ay iska fogeysay in wax shidaal qodis ah ay ka wado Soomaaliya.

Wakaalada wararke Reuters ayaa sheegtay iyadoo soo xiganeysa Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda dowlada Kenya u qaabilsan arimaha Shidaalka ee la yiraahdo Kenya pertrolium, in dowlada Kenya aysan wax luga ku lahayn arimaha la xariira baaritaanada ceelasha shidaalka ee laga sheegay wadanka Soomaaliya.

Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Martin Haya ayaa cadeeyay in Kenya aysan wax lug ah ku lahayn shidaal qodis ama baaritaano la xariira arimaha ceynkaasi oo kale ah hase yeeshee waxaa uu geesta kale hoosta ka xariiqay in ay su’aali ka taagan tahay lahaanshaha dhulka laga sheegay qeyraadka saliida dabiiciga ama shidaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay mashaariic qarsoodiya oo Kenya ay damacsan tahay in ay ka hirgaliso gudaha dhul balaaran oo ku yaala xuduuda Soomaaliya.

Reuters ayaa sheegay in Shirkahadaha TOTAL iyo INi oo caan ku ah wax soosaarka shidaalka ay haatan ku lugleeyihiin baaritaanka ceelashaan shidaalka ee laga baadi goobayay dhulka Soomaalida ee ku teedsan xeebaha koofureed kaabigana ku haya xuduuda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya,

Eedeymaha la xariira amuurahaan ayaa labada sharkadoodba ay iska fogeeyeen iyagoo diiday in ay wax jawaab ah ka yiraahdaan wararka ku salaysan talaabooyinka sharci darada lagu tilmaamay ee dowlada Kenya ay ku qodoneyso shidaal dalka Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Tamarta iyo macdanta ee Xukumada KMG Soomaaliya Cabdulaahi Dool ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan waxba kala soconin sharciyada in Kenya ay shidaal ka baarto gudaha dalka, waxaana uu sheegay in arintaasi ay tahay mid xadgudub ku ah dalka iyo jiritaanka dowlada KMG ah.

Dowladda KMG ayaa heshiis kula gashay lahaanshaha cadad ka mid ah dhul badeedka dalka Somaliya wadanka Kenya sandkii 2009 kii iyadoo markii dambe arinkaasi ay cambaareeyeen baarlamaanka Somaliya loona diiday in Kenya ay gorgortan kula gasho dhul badeedka balaaran ee wadanka Somaliya,

Dowladda Kenya ayaa Soomaaliya ka heysata dhul balaaran oo iminka loogu yeero waqooyi bari Kenya kaasoo ay gacanta ku dhigtay xiligii gumeystaha, oo Somaliya loo kala qeybiyay shan qeybood,

Bishii October ee sanadkii hore ayey Kenya ciidamadadeeda u soo dirtay wadanka Somaliya iyagoo dagaalo kula jira Xarakada Al shabaab oo ka soo horjeeda dowladda KMG iyo ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM.


 


 

Xaafiiska Wararka Warlalis.com

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

( Riix halkaan )
2012.03.09



Halkaan ka daawo Xalwo Boolimoog Sweden