Kenya
oo heshay maydadka askar kuweeda ah
Major Amanual Chir Chir oo ka mid ah afhayeenadda ciidamada
Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay inay magaalada Kismaayo
ka heleen meydadka 4 askari oo Kenyan ah oo ku geeriyooday
dagaaladii ay la galeen dagaalyahanada Al-Shabab.
Hadal uu ku qoray bogga uu Twetter,ka ku leeyahay ayaa waxaa
uu sheegay in qabuuro ku yaala xeebta magaalada Kismaayo ay
ka heleen meydadka 4 askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya
laguna dilay dagaaladii ka dhacay deegaanka Miido ka hor inta
aysan Kenyanku Kismaayop qabsan.
Major Amanual Chir Chir waxaa uu sheegay in Xarakadda Al-Shabab
ay meydadka 4,ta Askari iyo askari kale oo Soomaali ahba ay
kuwa wada aaseen hal qabri waxaana uu intaa ku daray inay
meydadka ku heleen kadib markii ay gacan ka heleen dadka Kismaayo.
Meydadka askar ciidamadeena ka tirsanaa ayaanu qabuuro
Kismaayo dhinaceeda xeebta ku yaala ka helnay kadib markii
ay dadka Kismaayo nagu gacan siiyeen ayuu yiri afhayeenka
wasaaradda gaashaandhiga Kenya Amanual Chir Chir.
Xarakadda Al-Shabab ayaa horey meydadka askartaan ku soo
bandhigay magaalada Kismaayo intii ay maamulayeen.