Kenya
oo ku faanayso howlgalkii Soomaaliya
Wasaaradda gaashandhiga iyo Saraakiisha ciidamada Kenya ayaa
sheegay in hawlgalkii ay ciidamadooda ka sameeyeen Soomaaliya
uu noqday mid lagu guulaystay.
Taliyaha ugu sareeya ciidamada Kenya Gen. Julius Karangi,
oo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii koowaad
ee kasoo wareegatay markii ay ciidamada Kenya soo galeen ciida
Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in hawlgalkii ay ugu magac
dareen Bad baadi qarankaaga ay ku guulaysteen oo ay kusoo
afjareen halistii ka haysatay Xarakadda Al-Shabab sida uu
yiri.
Sarkaalkaan la yiraahdo Gen. Julius Karangi waxaa uu sheegay
in ciidamadooda ay caqabado badan la kulmeen kuwaasoo ay ka
mid ahaayeen waqtiga ay Soomaaliya yimaadeen oo ahaa xilli
Roobaad iyo iyagoo aan si fiican u kala aqoon dhulka hawdka
ah ee Jubbooyinka hase ahaatee haddana ay ka gudbeen Al-Shabab
oo ay ka saareen magaaladii ugu weyneyd ee Kismaayo.
Sidoo kale wasiirka gaashaandhiga Kenya Yuusuf Xaaji ayaa
asna sheegay in ciidamada Kenya ay gaareyn guul taariikhi
ah sida uu yiri Dawlada Kenya oo Soomaaliya ciidamadeeda soo
galisay sanad ka hor ayaa waqti badan waxay ku qaadatay inay
Al-Shabab ka saaraan magaalooyin istaraatiiji ah oo Kismayo
ay kamid tahay.