Kenya oo qalab casri ah
ku xireyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya
Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Kenya ayaa sheegtay
in qeybo ka mid ah xadka ay leeyihiin wadanka Soomaaliya ay
ku xiri doonaan qalab la shaqeeya dayax gacmeedka oo la doonayo
in lagu ogaado shaqsiyaadka Shabab ka tirsan ee doonaya inay
gudaha u galaan wadankaasi Kenya.
Warkaan oo ay caawa baahiyeen warbaahinta Kenya
qalabkaan oo dayax gacmeedka la shaqeeya waxaa loogu talo galay
in lagula socdo dhaq dhaqaaqyada ka jira xaduuda iyadoona indho
gooni ah loo yeelanayo xubnaha Al-Shabab ka tirsan ee damacsan
inay kenya gudaha u galaan xilliyada habeenkii.
Qalabkaan oo ay rakibayaan ciidamada dawlada Kenya
ee ku sugan gudaha Soomaaliya waxaa si gaar ah loogu xirayaa
Jaziirada Kiiwayo oo dhinaca badda xaduud kala leh Soomaaliya.
Taliye ku xigeenka ciidamada booliska jaziirada Lamu Julius
Melly ayaa sheegay in qalabkaan uu ciidamada ka gacan siin doono
sugida amaanka dalka sida uu yiri.
Sidoo kale saraakiisha amaanka Kenya waxaa ay
sheegeen in ciidamo fara badan oo boolis ah la geeyay dhulka
u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya si ay uga hor tagaan weeraro
Shababku wadankaasi ka geystaan.
Al-Shabab oo Soomaaliya ciidamada Kenya kula dagaalama waxaa
ay argagax badan ku abuureen dawlada Kenya kadib markii ay dhawr
weeraro ka geysteen tan iyo markii ay labada dhinac is qoomeen
Xaafiiska Wararka Warlalis.com