Askar
Kenyaan ah oo lagu dilay magaalada Gaarisa
Wararka ka imaanaya magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi
barri oo ay
haysato Kenya ayaa sheegaya in laba askari oo ka tirsanaa
ciidamada
booliska dalka Kenya lagu toogtay magaalada Gaarisa ee xarunta
u ah
gobolka Waqooyi-Bari.
Afhayeen u hadlay ciidamada AP-da loo yaqaanno Masoud Munyi
oo ay
labada askari ee la dilay ka tirsanaayeen ayaa wargayska Daily
Nation
ee dalka Kenya ka soo baxa u sheegay in askarta dhabarka laga
toogtay
xilli ay ku guda jireen howlgal roondo ah.
Warka waxa uu intaasi ku darayaa in askarta lagu toogtay
waddo la
yiraahdo Ngamia Road, iyadoo kooxda falka gaysatayna ay goobta
ka
baxsatay.
Sidoo kale Booliska waxay sheegeen in kooxda dishay labada
askari ay
qaateen laba qoray oo nooca G3-ga la yiraahdo iyo rasaas,
kuwaas oo
markii dambe laga helay meel u dhow halka saraakiisha lagu
dilay.sidoo
kale booliska ayaa baaritaanno ka sameeyay agagaarka halka
uu dilka ka
dhacay, iyadoo ay sidoo kale gacanta ku dhigeen bastoolad
loo
malaynayo inay lahaayeen kooxdii weerarka fuliyay.
Masoud Munyi oo ah afhayeenka ciidamada AP-da ee booliska
ayaa sheegay
in weerarka ay ka shaki qabaan inuu jawaab u yahay qabsashada
ciidamada Kenya ee magaalada Kismaayo.
Qarax ka dhashay bam gacanta laga tuuray oo maanta lagu weeraray
goob
kaniisad ah oo ku taalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi
oo ay
Soomaalida ku badan tahay ayaa waxaa ku geeriyooday hal cunug,
iyadoo
dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.
Fiiro gaar ah kuwii shalay duhur ma aadan saarin.