» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Calanka.com

» Codk Somali

» Cayaaraha

» Cadaado

» CeelBuur

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet

» Galgaduud.net

» 2garre
» Gedonet

» Gedohomepage

» Geeska Afrika

» Goldogobsite

» Goobjoog

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Kartuun.com

» Kasmo(Wargeys)

» Lafoole.com

» Marka Caddeey

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Mustaqiim.com

» Midnimo.com

» Nurudin

» nuuruliimaan
» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

»Shabelle

» Shariica.com

»Somalifans.net

»Somaliweyn

»Waagacusub

»Warlalis.com

»Warsheekh

Khilaafka salka ku haya dastuurka oo cirka isku soo shareeraya


Waxaa sii kordhaya khilaafka la xiriira arrimaha dastuurka ee u dhaxeeya dowladda iyo Gudiga madaxa banaan ee dastuur u sameynta dalka.

Inkastoo uusan dhagaha shacabka soomaaliyeed ku cusbay khilaaf iyo is qab qabsi soo kala dhex gala dowlada KMG ah iyo hay’adaha ay wada shaqeeyaan ayaa hada khilaafkaan cusub ee soo kala dhex galay Xukuumada iyo Gudiga madaxa banana ee dastuurka waxaa uu yahay mid saameyn wayn yeelan kara .

Khilaafkaan u dhaxeeya Wasaarada dastuurka iyo gudigaan dastuur u samaynta dalka ayaa waxaa uu soo ifbaxay kadib marki uu dhawaan ku dhawaaqay wasiirka wasaarada dastuurka iyo arimaha faderaalka C/raxmaan Xoosh Jabriil in uu kala diray gudiga madaxa banaan ee dastuurka taas oo gudigu uu ku gacan sayray uuna sheegay in wasiirku uusan awood u la hayn kala dirista Gudiga .

Khilaafka ayaa waxaa uu sii xoogastay marki uu soo dhamaaday shirkii ay saxiixayaasha Roadmap-ka ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kaa oo diirada lagu saarayay dastuurka loo sameynayo soomalia oo mudooyinkii dambe ay hareeyeen khilaafaadyo xoogan, waxaana shirkaasi laga soo saaray qodobo badan oo ku saabsan dastuurka qodobadaasi qaarkood ayaa waxaa ay ka xanaajiyeen gudiga dastuurka madaxa banaan .

Gudoomiyaha gudiga dastuurka madaxa banana mudane C/laahi Xasan Jaamac ayaa waxaa uu ku eedeyay Saxiixayaasha roadmap-ka in ay qilaabeen awoodii gudiga qodobadii shirkana ay yihiin kuwo ka hor imaanaya dastuurkii uu sameeyay gudigu sidaa darteedna aysan gudiga suura gal u ahayn in ay qodobaas horgeeyaan gudiga ansixinta dastuurka waxaana uu Gudoomiyuhu ku eedeeyay Xukuumada in ay ku dul magacaawday Gudi kale oo aysan ogayn .

Wasiirka Wasaarada dastuurka iyo arimaha federaalka ayaa isagu waxaa uu qabaa in uusanba jirin wax gudi dastuur ah oo uuba waqtigiisu dhamaaday shaqadii loo idmadayna ay soo dhamaatay.

C/raxmaan Xoosh Jabriil, Wasiirka dastuurka ayaa dhanka kale waxaa uu ku tilamaamay gudiga madaxa banaanaa ee dastuurka in waxyaabaha ay ku doodayaan ay tahay arin sharci daro ah oo ay isbaaro u dhiganayaan dastuurka sida uu hadalka u dhigay .

Golaha wasiirada Xukuumada KMG ah ayaa galinkii dambe ee shalay kulan dag dag ah oo uu shir gudoominayay R wasaaraha waxaa ay ku yeesheen magaalada muqdisho waxaana ay uga hadleen dastuur iyo khilaafkaan soo kala dhex galay wasaarada dastuurka iyo gudiga madaxa banaanaa, waxaana ay Wasiiradu soo dhaweeyeen kala dirista uu wasiirku kala diray gudiga .

Hadaba khilaafkaan maxuu ku keeni karaa dastuurka la dooonayo in la ansixiyo oo maalmo koobani ay naga xigaan xiligii la ansixi lahaa, waxaa ka hadlay Aqoonyahaan C/waaxid Sheekh Ismaaciil ayaa waxa uu sheegay in hadii la xalin arimahaani ay dhici karto in aan laga bixin KMG oo aan la ansixin dastuurka.


 


 

Xaafiiska Wararka Warlalis.com

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

( Riix halkaan )
2012.03.09



Halkaan ka daawo Xalwo Boolimoog Sweden