Khilaafka Galmudug oo
sii xoogeysanaya
Wasiirka arrimaha gudaha ee Maamulka Galmudug Abshir Diini Cawaale
oo waraysi siiyay Warlalis ayaa waxa uu beeniyay eedeyn ay u
jeediyeen Saraakiisha ciidamada Maamulkaasi oo wasaaradiisa
ku eedeeyay inay masuul ka tahay amni darada deegaanada
Mudug.
Abshir Diini ayaa sheegay in aysan wax lug ah
ku laheyn falalka amni daro ee deegaanada Maamulka islamarkaana
Masuuliyada waxii dhaca ay qaadayaan Saraakiisha booliska
oo uu sheegay inay ka goysteen Maamulka.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Maamulka Galmudug
ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in khilaafka Maamulka Galmudug
ay ku lug leedahay dowladda taasina waxa uu sheegay in ay u
hayaan cadeymo buuxa, isaga oo sheegay in Maxkamad lasoo taagayo
dadka ku lugta leh amni darada Galmudug.
Shabaab oo guulo ka sheegtay weerar ka dhacay Sh/hoose iyo Bakool
Afhayeenka dhanka howlgalada xarakada Al shabaab
Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo wareysi siinayay idaacadaha afka
Shabaab ku hadala ayaa waxa uu ka warbixiyay weeraro ay ku qaadeen
ciidamo Amisom ah oo mayrayay wadada isku xirta magaalada Muqdisho
iyo Afgooye iyo weerar kale oo uu sheegay in ay ku qaadeen ciidamo
Itoobiyan ah oo ku sugan degaan lagu Magacaabo Habaq Galoole
oo ka dirsan degmada xudur ee gobolka Bokool
Abuu Muscab ayaa tilmaamay in Ciidamada Amisom
oo ku socday wadada u dhaxeysa Muqdisho Iyo Afgoooye Gaar ahaan
degaanka Lafoole ee gobolka Sh/hoose ay weerar ay ku qaadeen
ciidamadooda kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Buruundi ay qasaaro
gaarsiiyeen sida uu sheegana halkaasi ay kaga Gubeen gaari nuuca
loo yaqaano Towga iyo ciidamadii saarna oo ay ku dileyn
Dhanka kale waxa uu ka hadlay dagaal uu sheegay
in ay kula wareegen degaanka Habaq Goole oo 20-KM u jirta degmada
Xudur ee gobolka Bokool oo uu sheegay in ay ku sugnaayeen ciidamo
itoobiyaan ah ka dibna dagaalo ay la galeen ay qasaaro gaarsiiyeen
islamarkaana ay kula wareegeen degaankaas
Xaraka Al shabaab ayaa inta badan waxa ay dagaalol
a gashaa ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom iyadoo inta badana
guuloka sheegta dagaaladaas balse aysan soo hadal qaadin qasaaraha
dhankooda soo gaaray
Xaafiiska Wararka Warlalis.com