Khilaafka
Galmudug oo la cambaareeyay
Odayaal iyo Waxgarad ku dhaqan deegaanada Galmudug ayaa waxa
ay walaac ka muujiyeen khilaafka soo kala dhexgalay Masuuliyiinta
Maamulka.
Iyadoo uu sii kordhayo khilaafka ka dhex taagan Masuuliyiinta
Maamulka Galmudug ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanada
Galmudug waxa ay walaac ka muujiyeen khilaafka Maamulka.
Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka deegaanada Galmudug iyo qaar
kale oo ka mid ah waxgaradka ayaa waxa ay ka digeen burbur
ku yimaado Maamulka hadii uu sii socdo khilaafka ka dhex taagan
Wasaaradda arrimaha iyo Saraakiisha ciidamada kuwaasi oo ay
ugu baaqeen in wax waliba ay wada hadal ku dhameeyaan.
Wasaaradda arrimaha iyo Saraakiisha ciidamada Maamulka Galmudug
ayaa dhinacba dhinaca kale waxa uu ku eedeeyay in uu Masuul
ka yahay amni darada ka jirta deegaanada Galmudug.