Kooxda Baarista Qaramada
Midoobay oo ku eedeysay Madaxda ugu Sarreysa DKMG Soomaaliya inay
lunsadeen Hanti Qaran

Kooxda Baarista (Monitoring Group) oo ay Golaha
Ammaanka ee Qaramada Midoobay u xilsaartay baarista qaabka loo
maamulay dhaqaalaha soo gala dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa
warbixin hordhac ah oo laga helay ku eedesay madaxda sare ee
dowladda Soomaaliya inay lunsadeen hanti gaareysa 131-milyan
oo doollar.
Warbixintani ayaa eedeysay masuuliyiinta
kala ah: Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Afhayeenka baarlamaanka
KMG Shariif Xasan Sheekh Aadan, raiisul wasaaraha dowladda
KMG ah, Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), raiisul wasaarihii
hore ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha
dowlad goboleedka Puntland, C/raxmaan Maxamed Faroole.

Af-hayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan:
Warbixintu waxay ku eedeysay, Shariif Xasan Sheekh Aadan
in ku dhex-jiray lunsasho hanti Qaran iyo bixin qandaraasyo
uu siiyay dad isaga saaxibadiis ah laga bilaabo markii loo magacaabay
wasiirka maaliyadda iyo ku-xegeenka raiisul wasaaraha
xukuumaddii Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.
Warbixintu waxay sidoo kale ku eedeysay Shariif
Xasan inuu ka qayb-galay qaadashada lacag dhan 3-milyan oo doollar
oo ay deeq ahaan u bixisay dowladda Cummaan bishii Abriil ee
sannadkii 2009-kii. Shariif Xasan ayaa wuxuu sidoo kale lacag
hal milyan ($1) oo dollar ah ka qaatay shirkadda SKA Air Logistics
oo maamusha garoonka diyaaradaha ee Muqdishu.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in Shariif Xasan
iyo rag ganacsi kala dhexeeyo oo kala ah: Shariif Axmed Baalaawi,
Jeneraal Gaafow oo ah madaxa waaxda socdaalka ee dowladda KMG
ah iyo qusulka guud ee dowladda Soomaaliya u fadhiga dalka Imaaraadka
Carabta, Cabdulqaadir Sheekhey ay saami (share-holder) ku leeyihniin
shirkadda Mondial Technology Information oo qandaraas lagu siiyay
inay daabacdo dal-kugalka (Passport) Soomaaliya.
Shariif Xasan waxaa kale oo lagu eedeeyay inuu
heshiis iskiis ah la galay dowladda Suudaan si ay u soo daabacdo
lacag shillin Soomaali ah (Sh. 1000, 2000, 10,000, 20,000, 50,000
iyo 100,000) oo la qiimo ah illaa 150-milyan oo doolar.

Raiisul Wasaare Cabdiweli Gaas:
Warbxintu waxay sheegtay inay hayaan caddayn muujinaysa inuu
raiisul wasaare Cabdiweli Gaas si joogto ah warqado ugu
qori jiray waaxda canshuuraha ee dekedda Xamar oo uu uga codsanayo
in canshuur dhaaf la siiyo shikado iyo shaqsiyaad gaar isagoo
sabab uga dhigayay inay shaqo dowladeed hayaan.
Guddiga baarista ayaa xaqiijiyay in dowladda Imaaraadka
Carabta ay ugu deeqday xukuumaddii raiisul wasaarihii
hore ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo lacag gaareysa
10- milyan doollar, isla markaasna $5-milyan oo doollar ay siisay
xukuumadda raiisul wasaare Cabdiweli Gaas.
Raiisul wasaare C/weli Gaas ayaa u sheegay
guddiga baarista in $3.5 milyan oo doollar oo ka mid ah lacagtii
ay dowladda Imaaraadka ku deeqday aysan soo gaarin oo ay lunsatay
xukuumaddii raiisul wasaare Farmaajo. Sidoo kale raiisul
wasaare Gaas ayaa u sheegay guddiga inuu lacag $5 milyan ah
dhigay bangiga dhexe ee dowladda Soomaaliya, laakiin arrintaas
bangiga dhexe caddayn lagama hayo. Halkaas waxaa ka muuqda farqi
u dheexya warbixinta ay dhiibtay wasaaradda maaliyadda iyo caddaymaha
bangiga dhexe yaalla.

Raiisul Wasaarihii hore ee dowladda KMG Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo:
Guddiga baaristu wareysi lama yeelan raiisul wasaarihii
hore, Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo, laakiin raiisul wasaare
Cabdiweli Gaas ayaa u sheegay guddiga baarista in lacag dhan
$3.5 milyan ay ku maqan tahay xukuumaddii Farmaajo, lacagtaa
oo qayb ka ah $10 milyan oo doollar oo ay dowladda Imaaraadku
ugu deeqday Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed:
Warbixintu waxay sheegtay in madaxweyne Sheekh Shariif iyo afhayeenka
baarlamaanka Shariif Xasan lagu tuhunsan yahay inay lunsadeen
lacag dhan $3 milyan oo doollar oo ay deeq ahaan u bixisay dowladda
Cummaan si loogu hormariyo hayadda nabadgelyada Soomaalia
(Somaali National Security Agency). Waxaa xusid muddan in arrinta
madaxweyne Shariif lagu eedeeyay uu fuliyay Cabbaas Sheekh Maxamed
(Jimcaale) oo ah agaasimaha shirkadda ASMJ General Trading,
qaraabana la ah madaxweyne Shariif, sida uu guddiga baarista
u xaqiijiyay qunsulka guud ee dowladda Soomaaliya u fadhiya
dalka Imaaraadka Carabta. Cabbaas Maxamed ayaa xiriir dhow la
leh dowladda KMG ah isla markaasna si joogto ah ugu sii hormariya
lacago, raashina siiya ciidamada ammaanka Soomaaliya.
Waxaa kaloo warbixintu sheegtay in boqolkiiba soddon (30%) lacagta
dowladda soo gasha ay maamulaan saddexda masuul ee ugu
sareeya dowladda KMG ah oo kala ah madaxweynaha, afhayeenka
baarlamaanka iyo raiisul wasaaraha. Lacagta ku baxday
saddexdaas xaafiis waxay sannadkii 2011 gaaraysay $12.6-milyan,
halka kharajka ku baxay ciidamada ammaanka uu ahaa $13.4 milyan
oo keliya.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Cabdiraxmaan Faroole:
Madaxweyne dowlad goboleedka Puntland, C/raxmaan Faroole ayay
warbixintu ku eedeysay inuu qandaraasyo siisay shikado shisheeye
ah oo si sharci-doarro ah hub u soo galiyay deegaannada uu madaxda
ka yahay taasoo kasoo horjeedda cunno-qabateyntii hubka ee ay
golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kusoo rogtay Soomaaliya.
Sharikadahaas qandaraasyada uu siiyo dowladda madaxweynaha maamulka
Puntland ayaa waxaa ka mid ah: Pathfinder Corporation, Canmex,
Africa Oil, Puntland Exploration Security Unit.
Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa iska fogeeyay
dhowr jeer oo hore inay lug ku leeyihiin eedeymaha loo soo jeediyo
ee ku saleysan lunsashada deeqaha la siiyo Soomaaliya iyo hantida
Qaranka. Iyadoo la xusuusto in madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay
inuu diyaar u yahay in baaris lagu sameeyo halka ay maraan deeqaha
Soomaaliya ay ka hesho dalalka dibadda.
Bankiga Adduunka ayaa shirkii ka dhacay magaalada
Istanbuul ee dalka Turkiga bishii Juun ee sannadkan kusoo bandhigay
warqado ku saabsan lacago fara badan oo loogu deeqay Soomaaliya,
kuwaasoo aan la ogeyn halka ay mareen. Iyadoo madaxda Soomaalidu
ay sheegeen inaysan lacagahaas soo gaarin.
halkaan
ka akhriso Warbixinta.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com