Shirkii Kooxda xiriirka
Caalamiga ah oo laga soo saaray Warmurtiyeed

Moqdisho 04,July, 2012
. Shirka 22
-aad ee Kooxda Xiriirka Caalamiga (ICG) ayaa lagu qabtay Rome
2da ilaa iyo 3da Luulyo 2012 iyadoo uu guddoominayay wakiilka
gaarka ah ee xoghaya qaramada midoobay Dr. Augustine Mahiga
iyo wadamada Norway iyo Mareykanka.
Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga Giulio Terzi,
afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Sharif Hassan Sheikh Adan,
Raisul wasaaraha Soomaaliya Abdiweli Mohamed Ali iyo wakiilo
ka socda Puntland, Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal Jamaca ayaa dhamaan
shirka ka hadlay.
Hanaanka Siyaasadeed
Kooxda xiriirka caalamiga ayaa dib-u fiirin ku
sameysay horumarada siyaasadeed waxayna ku cel celisay sida
ay uga goantahay xiliga ku meel gaarka inuu dhamaado 20ka
bisha siddeedaad 2012 sida ku xusan Axdiga ku meel gaarka, heshiiskii
Jabuuti, heshiiskii Kampala, Roadmap-ka iyo shirarkii wadatashiyada
ahaa ee xigay. Gaar ahaan, Kooxda ICG ayaa soo dhoweysay heshiiska
ay wada gaareen madaxda dowladda mar ay shir isagu imaadeen
magaalada Nairobi 22 June isla markaana isku af gartay qabyo
qoraalka kama dambeysta ah. Qabyo qoraalka ayaa la hor keenayaa
Golaha Dastuurka Qaranka si ay u saxiixaan si ku meel gaar ahaan.
Kooxda ICG ayaa walaac ka muujisay dib-u dhaca
mar walba ku yimaada wakhtiyada kama dambeysta ah ee loogu tala
galay in hawlaha lagu dhameystiro. Kooxda ayaa waxay ka codsatay
dincayada Soomaalida inaysan dib-uga dhicin wakhtiyada hawlaha
loogu tala galay sida furitaanka (12ka Luulyo) iyo xiritaanka
(20ka Luulyo) Golaha Dastuurka Qaranka, iyo in lasoo xulo Barlamaanka
federaaliga ayna dhacdo doorashada afhayeenka Baarlamaanka cusub
iyo ku/xigeenadiisa (4ta August) iyo doorashada madaxweynaha
(20ka August). ICG ayaa codsatay in si de deg ah ay hawshooda
u bilaabaan gudiga dhex dhexaadinta odayaasha, xafiiska is-ku
duwidda saxiixayaasha Roadmap-ka, gudiga fududeynta farsamada
iyo gudiga doorashada farsamada si looga qeyb galiyo hanaanka
doorashada.
Midda ku saabsan baarlamaana federaaliga ah ee
cusub, kooxda waxay sheegeen in loo baahan yahay in baarlamaanka
cusub uu ahaado mid ka shaqeeyo rabitaanka shacabka gaar ahaan
tayada xubnaha baarlamaanka, dheeli tirnaan xagga jinsiyada
iyo awooda fulinta goaanada dowladda.
Khariidad shaqo ee isku dhafan waa in loo hagaajiyaa
baarlamaanka cusub iyo dowladda taasoo looga gol leeyahay in
lagu xoojiyo qaab dhismeedka laanta sharci fulinta dowladda
si sare looga qaado ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo cadaaladda.
Kooxda ayaa hoosta ka xariiqday fariintii ay si
wadajir ah u qoreen kuna saabsaneyd qas-wadayaasha iyo kuwa
ka soo horjeeda geedi socodka nabadda in loo gudbinayo golaha
wasiiraha ee IGAD iyo kooxda daba galka ee QM si cuna qabateyn
looga soo oogo.
Kooxda ICG ayaa xustay horumarada laga sameeyay
Roadmap-ka waxayna ku baaqeen in la dhameystiro hawlaha dhiman.
Balse wakhti xaadirka waxaa diiradda la saarayaa dhameystirka
xiliga kumeel gaarka. Kooxda ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda
cusub ee Soomaaliya in ay dejiso qaab lagu doonayo in laisla
wada arko waxyaabaha mudnaanta la siinayo 60ka beri ee ugu horeysa.
Kooxda ayaa balan qaaday inay gacan ka geysanayso shirka ugu
horeeya ee la qabanayo dowladda cusub bisha September kaasoo
lagu falan qeynayo waxyaabaha muhimadda la siinayo.
Kooxda ayaa cambaareysay weerarkii lagu qaaday
kaniisad ku taala Kenya iyo afduubidda shaqaale samafal.
Kooxda ayaa balan qaaday inay gacan ka geysaneyso
taageerida ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo dhowrista sharciga.
Qodobka Nabad galyada
ICG waxay amaantay guulaha militeri ee ay gaareen
ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda iyo xulafadooda sida dowladda
Ethiopia iyagoo ka hor tagay khatarta kooxaha Al-shabab.
Kooxda ayaa ku cel celisay taageerada ay u hayaan
ehelada dadka ku geeriyooday dagaalada. Iyagoo aqoonsaday in
AMISOM ay ku guuleysatay ilaalinta rayidka hadana ugu yeertay
kooxaha isku haya Soomaaliya inay ilaaliyaan shaacabka gaar
ahaan haweenka iyo caruurta. Waxay baaq u direen heyadaha
gargaarka in gargaarka ay gaarsiyaan kuwa u baahan.
Inta lagu guda jiray shirka, ICG waxay aqoonsatay
saxiixa Hussein Arab Isse oo ah ku/xigeenka raisul wasaaraha/wasiirka
difaaca iyo midka Dr. Augustine Mahiga oo ah wakiilka gaarka
ah ee xoghaya QM kaasoo ku saabsan qorshe laisla wada meel dhigay
ee askareynta caruurta.
ICG ayaa soo dhaweysay qorshaha golaha ammaanka
ee QM 2036 kaasoo balaariyay waajibaadka hawlgalka AMISOM iyo
kordhinta ciidamada AMISOM. Kooxda ayaa soo dhoweysay ciidamada
Jabuuti, Kenya, Nigeria iyo Sierra Leone. Kooxda waxay kaloo
soo dhoweysay dadaalada dowladda KMG sida ay u dooneyso inay
u mideyso ciidamada dowladda si hal meel looga wada xukumo.
Teegeero loo fidinayo AMISOM iyo ciidamada dowladda Soomaaliya
ayaa kamid ahaa waxyaabaha ay soo dhoweysa kooxda isla markaana
ciidamada hore ee dowladda in la taageero iyaga iyo reerahooda.
Kooxda ayaa ugu baaqday Al-shabab iyo kooxaha
kale inay colaadda joojiyaan ayna ku soo biiraan hanaanka nabadeed.
Sanadada soo socda, Soomaaliya waxaa laga rabaa
inay gacanta ku dhigto ammaanka iyo bixinta mushaaraadka shaqaalaha
dowladda isla markaana de dejiso sameynta ciidamo qaran oo suga
ammaanka.
Madaxa kooxda ICG ayaa soo magac qaaday arrin
soo cusboonaatay oo ku saabsan burcad badeeda. Kooxda ayaa soo
magac qaaday warbixintii ugu dambeysay ee Shirkii Dubai ee ka
hor tagga burcad badeeda kaasi oo la qabtay bisha June 28 si
dowladaha gobolka ay awood lagula dagaalamayo burcad badeeda
u yeeshaan isla markaana lagu dhowrayo shuruucda caalamiga ee
la dagaalanka burcad badeeda.
Qodobka Xasilinta
Iyadoo goobo badan lagala wareegay kooxaha Al-shabab,
waxaa loo baahan yahay in la sameeyo maamulo ka arimiya goobahaasi
si loo sugo ammaanka goobahaasi. Kooxda ayaa qoonsatay dadaalada
dib-hushiisiineed iyo xasilineed ee dowladda kumeel gaarka.
Waxaa kaloo goobta shirka laga sheegay qoraal ay soo diyaarisay
dowladda Talyaaniga kaasoo tusme mise hage u noqon kara qorshayaasha
dowladda ee cusub.
Kooxda ayaa waxay amaantay horumarada maamulada
Somaliland, Puntland, Galmud iyo Ahlu Sunna Wal Jamaca kuwasoo
sugay amaanka isla markaana keenay maamul wanaag. Dadaaladan
waan is la sii wadaa lana taageeraa.
Qodobka cadaaladda
Kooxda waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo
in la sameeyo laan cadaaladda ka shaqeysa ee madax banana gaar
ahaan taageerida cadaalad loo sameeyo haweenka iyo kooxaha taagta
daran. Kooxda ayaa balan qaaday in maamulo iyo maxkamado loo
sameeyo goobaha la xoreeyay.
Xiriirka caalamiga
Kooxda ayaa soo dhoweysay natiijooyinka shirarka
qabsoomay laga soo bilaabo bisha labaad (February). Shirkii
London ayaa dar dar geliyay hanaanka siyaasadeed, taageerida
AMISOM iyo ciidamada dowladda iyo dadaalo la soo cusbooneysiyay
ee lagula dagaalamayo burcad badeedda iyo argagixisanimada.
Gole la xisaabtamo dhaqaalaha dowladda isla markaana
ka hor taga musuqmaasuq waa muhiim in la sameeyaa.
Shirka labaad ee lagu qabtay Istanbul ayaa soo
shaac bixiyay muhimadda dib- u heshiisiinta, heyado u
sameynta dowladda iyo dib- u dhiska laamaha dowladda. Gaar ahaan
shirka Istanbul wuxuu xoogga saaray baahida loo qabo in dhaqaale
lagu dayactiro wadooyinka iyo goobaha muhiimka ah ee dowladda,
fududeynta waxyaabaha aasaaska u ah nolosha. Shirka saddexaad
ee lagu qabtay Dubai ayaa isna waxaa ka soo baxay qodobo muhiim
ah oo ku aadan ka hor tagga burcad badeeda.
Kooxda ICG ayaa sheegtay inay is-bedel ku sameyneyso
qaababkeeda shaqo si looga diyaar garoobo dhamaanshaha xiliga
kumeel gaarka isla markaana loo taageero Soomaaliya. Is-bedelada
ayaa waxaa kamid ahaan doona hagaajinta koox masuul ka noqota
hanaanka siyaasadeed iyo xoojinta xiriirka ururada horumarineed,
midda cadaaladda iyo ammaanka.
Kooxda xiriirka caalamiga ICG ayaa u maha celisay
dowladda Talyaaniga sida wanaagsan ay u marti qaadeen shirka
waxayna soo dhoweeyeen balan qaad wadanka Koofur Afrika uu sameeyay
inay marti galineyso shirka xiga ee 2013.
Ka qayb galayaasha/Kormeerayaasha
African Union, Belgium, Burundi, Canada, China,
Denmark, Djibouti, East African Community, Egypt, Ethiopia,
European Union, Finland, France, Germany, Intergovernmental
Authority on Development, International Development Law Organisation,
Islamic Development Bank, Italy, Japan, Kenya, Korea (Republic),
League of Arab States, Netherlands, North Atlantic Treaty Organisation,
Norway, Organisation of Islamic Cooperation, Qatar, Saudi Arabia,
Somalia (TFG, TFP, Puntland, Galmudug, Ahlu Sunna Wal Jamaa),
South Arica, Spain, Sudan, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda,
United Arab Emirates, United Kingdom, United Nations,
United States of America and the World Bank.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com