Kulanka
barlamanka ee maanta
Xildhibaanada barlamanka Soomaaliya ayaa maanta fadhi ku
yeelanaya magaalada Muqdisho sida ay Warlalis u xaqiijiyeen
qaar ka mid ah Xildhibaanada oo aan la xiriirnay.
Fadhiga barlamanka Soomaaliya ayaa waxa uu ajandihiisu yahay
ka doodista xeerhoosaad barlamanka cusub Soomaaliya oo Gudoonka
uu horkeenayo xubnaha barlamanka.
Xildhibaan Cismaan Adan Dhaayoow oo ka tirsan Xildhibaanada
ayaa waxa uu sheegay in xeer hoosaad cusub loo sameeyay barlamanka
Soomaaliya ayna ka doodi doonaan si loo meel mariyo ama wax
looga badalo hadii ay jiraan waxyaabo aysan raali ka aheyn.
Xeerhoosaad barlamanka Soomaaliya ayaa waxa uu noqon doonaa
mid u gaar ah Xildhibaanada oo iyaga ay isku dhaqayaan, iyadoo
ay ka dambeysay sameynta xeerkaani kadib markii la arkay Xildhibaanada
oo fadhiyada barlamanka si joogta ah usoo xaadirin.