» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Calanka.com

» Codk Somali

» Cayaaraha

» Cadaado

» CeelBuur

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet

» Galgaduud.net

» 2garre
» Gedonet

» Gedohomepage

» Geeska Afrika

» Goldogobsite

» Goobjoog

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Kartuun.com

» Kasmo(Wargeys)

» Lafoole.com

» Marka Caddeey

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Mustaqiim.com

» Midnimo.com

» Nurudin

» nuuruliimaan
» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

»Shabelle

» Shariica.com

»Somalifans.net

»Somaliweyn

»Waagacusub

»Warlalis.com

»Warsheekh

Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Madaxweyneaha Maamulka Somaliland Siilaanyo qodobada ka soo baxay, maxaad kala socotaa wufuuda lakala socota labada wafdi iyo miisaankooda..


Kulankaan dhex maraya madaxweynaha dawladda Soomaaliya Sh shariif Sheekh Ahmed iyo madaxweynaha maamulka soomaaliland Axmed Siilaanyo ayaa maanta ka dhacay magaalada dubai ee dalka isutaga imaaraadka carabta.

Kulankaan ayaa waxaa uu daba socdaa kulankii bishaan gudaheeda ka dhacay magaalada London ee Dalka ingiriiska, kulankaa qodobada ka soo baxay waxaa ka mid ahaa in labada madaxweyne ay kulan si degdeg ah u yeeshaan.

Kulankaan manta dhacaya ayaa madaxweynaha maamulka soomaaliland waxuu waftigiisa ku daray siyaasiyiiin badan oo ay xaga siyaasadda isaga soo horjeedaan laakiin ay ka mideysan yihiin qadiyadda somalinad, masuuliyiinta ka midka ah waftiga madaxweyne siilaanyo ayaa waxaa ka mid ah madaxweyninii hore ee soomaaliland Daahir Riyaale oo hadda ah gudoomiyaha Xisbiga UDUB, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee UCID Faysal Cali waraabe, Ahmed Cali Cadami oo ah wasiirka gaashaandiga Somaliland,

Madaxweyne Shariif oo ah nin siyaasadda ku cusub aaminsana qofkii ay maalin siyaasada isku qabtaan inuu yahay cadaw ayaa horey usii watay dhalinyaro qurbo joog ahaa oo aan wax badan ka ogeyn qadiyadda Soomaaliya iyo sida ay muhiimka u tahay in soomaaliya aan lakala goynin, madaxweyne Shariif ayay tani muujisay sida uusan u kala saari karin qofka ay siyaasadda isku qabtaan iyo qadiyadda Soomaaliya oo ah mid Soomaalida u dhaxaysa ayna ahayd in uu u yeerto siyaasiyiinta Ruug cadaaga ah ee Dalka Soomaaliya.

Madaxweyne shariif ayey ahayd inuu watigiisa ku daro ugu yaraan xubno ka mid ah siyaasiyiinta wadaniyiinta iyo kuwa ruug cadaaga siyaasadda ah ee dalka soomaaliya uu leeyahay sida Cabdiqaasim Salaad Xasan, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, Nuur Hassan Hussein (Nuur cade) Cali Khaliif Galayr, Cabdullahi Hassan Cadow, Mohamed Qanyare Afrah iyo siyaasiyiin badan oo aanan hadda magacooda xusin.

Madaxweynaha soomaaliya Sheekh Shariif iyo waftigiisa iyo waftiga culus ee ka socda maamulka soomaaliland ayaan ahayn kuwa isku dhigma, Sh shariif oo ah nin uun ka fikira sidii uu dhaqaalo ku heli lahaa, xukunkana uu usii heysan lahaa ayaan laga fileynin inuu daafaco qadiyadda soomaaliya, maadaama isaga iyo dadka la socdaba aysan aheyn dad khibrad leh oo u dhigma waftiga maamulka Somaliland oo ay ka midka yihiin Daahir Riyaale kaahin, Muuse Biixi, Ahmed Cali cadami iyo Faysal Cali waraabe.

Heshiika ay wada saxiixeen Madaxweynaha Soomaaliya sheekh Shariif iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa waxay kala yihiin:-
1.Iyadoo la raacayo shirarkii Istanbul iyo kii Londan ee soo jeediyay in beesha Caalamku taageerto wadahadalo dhex mara Somaliland iyo Somaliya si uu u sii wanaagsanaado xidhiddhka labada dhinac, waxay maanta oo ay bishu tahay 28/6/2012 saxeexeen Heshiiskan
2.Wadahadalada Waxa marti galisay Dawlada Imaaraadka carabta iyadoo la raacayo codsi dhinacooda ka yimi
3.Ujeedada labada madaxweyne ka wadahadleen waxay ahayd sidii loo sii ambaqaadi lahaa go’aamadii ka soo baxay Shirkii Cheveninig Hoose 21-12 june 2012
4.Labada dhinac waxay isku raaceen si uu u sii wanaagsanaado xidhiidhka labada dhinac in la sii ambaqaado shirkii labada guddi wixii ka soo baxay.

Heshiiskaan iyo kii Londonba ayeysan ka muuqan wax dhab ah oo ku saabsan gudagalka waxyaalaha ay tahay in ay ka wada hadlaan Dawladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland, waxa kaliya oo ilaa iyo hadda ay ku guuleysteena ay tahay in la isla ogolaaday in la wada hadlo.

.


 


 

Xaafiiska Wararka Warlalis.com

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

( Riix halkaan )
2012.03.09



Halkaan ka daawo Xalwo Boolimoog Sweden