Labada Shariif oo loo
amray inay degdeg u ansixiyaan Dastuurka isku qasan, hadii kale
Kiiska lacagaha ay Lunsadeen gacanta loo gelin doono ICC!! Yaa
amarkaasi siiyey? Shirar ay la yeelanayaan odoyaasha dhaqanka
oo ay bilaabeen...
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sh Axmed iyo Shariif
Xasan Sh Aden ayaa la amray inay si degdeg u dardar geliyaan
hawlaha ansixinta dastuurka qabyo qoraalka oo dhowaan loo soo
gudbiyey odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed.
Labada Shariif ayaa shirar kala gooni ah la bilaabay
odoyaasha beelaha ay kasoo jeedaan iyaga oo ka codsaday in Dastuurka
ay ansixiyaan iyaga oo sheegay haddii ay sidaasi dhici weyso
inuu jiro qorshe bulshada Caalamku wadato oo la doonayo in Kiiska
uu soo bandhigay Bangiga aduunka la horgeyn doono Maxkamada
Caalamiga ICC ee Hague.
Madaxweyne Shariif ayaa la sheegay mar uu la kulmayey
odoyaasha dhaqanka beesha Hawiye inuu u sheegay in wax faraha
ugu jiraahi aysan jirin, xaalkuna xun yahay haddii aan si degdeg
ah loo ansixin, isaga oo sheegay inay jiraan Labo qorshe oo
ay wadaan bulshada caalamka oo uu sheegay inay kala yihiin;-
1- In Kiiska uu soo bandhigay Bangiga Aduunka
ee ku saabsan lacagaha ay lunsadeen Madaxda DKMG ah ee Soomaaliya
la bilaabi doono si degdeg hadii qorshaha Road Mabku guul daraysto.
2- Qodobka 2-aad ayuu ku sheegay inuu jiro Plan
B ay u ololeynayaan Madaxweynaha maamulka Puntland iyo Dawladda
Itoobita, arrintaasi uu ku sheegay haddii ay hirgasho in dhibaato
weyn soo foodsaari doonto Beelweynta Hawiye.
Odoyaasha dhaqanka ayaa u sheegay in sidaan ay
ku soo socoto Madaxweyne Shariif saansaanteeda ay muuqatay bilihii
lasoo dhaafay kadib markii talada dalka iyo hawlaha looga baxay
kumeel gaarka uu gacanta u geliyey Amb. Mahiga.
Odoyaasha dhaqanka ayaa ku dhaliilay Madaxweyne
Shariif waxa ku qasbay inuu ogolaado wax la yiraahdo Saxiixayaal
isaga oo ah Madaxweynaha Soomaaliya, weydiiyeyna sababta uu
maqaamkii madaxweynaha uu uga dhigay mid la siman 5 nin oo kale
oo loogu yeero saxiixayaal.
Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ku calaacalay
odoyaasha dhaqanka isaga oo sida la sheegay inay muuqatay inuu
ka baqayey inuu xabsi ku muteysto lacago badan oo la lunsaday
xiligii uu madaxweynaha ka ahaay Dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa u sheegay odoyaasha dhaqanka
Hawiye in Cabdiraxmaan Faroolaha Puntland iyo Shariif Xasan
inay meel xun ku wadaan qaranka Soomaaliya.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com