Rag
dad ku dilay Luuq oo lagu daba jiro
Gudoomiyaha degmada Luuq ee dowladda C/laahi
Ibraahim Axmed oo la
hadlay Warlalis ayaa waxa uu sheegay inay ku daba jiraan kooxihii
ka
dambeeyay dilka dad rayid ah oo shalay ka dhacay degmada uu
ka taliyo.
C/laahi Ibraahim Axmed ayaa waxa uu sheegay in ku raadjoogaan
rag
burcad ah kuwaasi oo shalay uu sheegay in 3 ruux oo rayid
ah oo
saarnaa gaari rakaab ah oo marayay degmada ay dileen kadib
markii ay
wadada u galeen gaariga oo ay doonayeen inay dhacaan.
Isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay inay gacanta kusoo dhigi
doonaan
raga dilka dadkaasi rayidka ah gaystay oo uu sheegay inay
garanayaan
ay halka ay u baxsadeen iyo raadkooda intaba.
Gudoomiyaha degmada Luuq ee dowladda ayaa waxa uu dhinaca
kale
sheegay in xaalad nolol xumo ay ka jirto degmada Luuq oo uu
xusay inay
kusoo barakaceen qoysas badan, isaga oo ugu baaqay Hayadaha
inay
caawiyaan dadkaasi.