Maamul
looga dhawaaqay Kismaayo iyo xiisad ka jirta magaalada
Magaalada Kismaayo ayaa xalay ilaa saaka waxaa ka soconaya
dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidamada huwanta ah iyo kuwa
Kenya kadib markii magaalada looga dhawaaqay maamul KMG ah
oo uu madax ka yahay Axmed Madoobe.
8 xubnood oo uu ka mid yahay Axmed Madoobe oo ah Gudoomiyaha
gobolada jubooyinka ee Maamulka KMG ah ayaa looga dhawaaqay
magaalada kadib ay soo gabagaboobeen kulamo ka soconaya Kismaayo
oo u dhaxeeyay Odayaasha deegaanka iyo Saraakiisha.
Ciidamada dowladda, Ururka Raaskambooni iyo ciidamada Kenya
oo wato gaadiid dagaal aadna u hubaysan ayaa lagu arkayaa
magaalada kuwaasi oo doonaya inay weeraro ku qaadaan deegaanada
kale oo ay Al Shabaab kaga sugan yihiin Jubooyinka sida Jamaame
iyo Jilib.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in ay suura gal tahay in saacad
kasta ay weeraro qaadaan ciidamada huwanta iyo kuwa Kenya
, dhinaca kale Shabaab ayaa dhankooda wado dhaqdhaqaaq ciidan
oo ay suurta gal tahay inay dagaalamaan.
Kismaayo iyo gobolada Jubooyinka ayaa waxaa isha lagu hayaa
isbadalka ka dhici doona mar hadii Shabaab ay isaga baxeen
inta badan gobolka.