Maamulka gobolka Banaadir
ee dowlada KMG Somalia oo si kulul uga soo horjeestay dastuurka
cusub ee qabyada ah ee lagu inkiray Maqaamka Caasimada Soomaaliya
ee Muqdisho. Yaa ka danbeeya inkirida Maqaanka Caasimada??

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada
Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ku baaqay in laga hortago
dastuurka cusub ee qabyo qoraalka ah oo uu sheegay iney ku jiraan
qodobo badan oo wax u dhimaya masiirka ummada Somaliyed qaar
kalena laga tegay.
Tarsan ayaa sheegay in dastuurka cusub ee la qorsheynayo
ansixintiisa aysan ku xusneyn magaalada Muqdisho iney tahay
caasimada dalka uuna arintaas shaki gelinayo, sidaas awgeedna
ay tahay iney in lagu baraarugo lagana hortago.
Muqdisho waa caasimadii dalka, waa muraayadii Qaranka waa hooyadii
magaalooyinka dad yar oo kooban ma bedeli karaan awoodna uma
laha mana aqbaleyno dastuur xaqiraya oo aan qoreynin iney tahay
caasimada, dastuurka lasoo bandhigayna ma qorayo arintaas waa
inaan diidnaa kana hor tagnaa ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka
Banaadir Tarsan, Gudoomiyaha ayaa shalay warkaan ka sheegay
mar uu ka hadlayey munaasabad shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale, Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuudd
Axmed Nuur Tarsan ayaa uga digay odayaasha dhaqanka ee ku shirsan
Muqdisho iney ansixinta dastuurka u soo xulaan dad aan wax garad
aheyn.
Gudoomiyaha ayaa u sheegay odayaasha dhaqanka
ku shirsan magaalada Muqdisho inay ka fiirsadaan dadka ay u
soo xuleyaaan ansixinta ama diidida dastuurka iyo xubnaha kamid
noqonaya Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, waan ognahay dad
lacag iidin kala daba ordaya oo idin leh hebel ii qor, hadaad
keentaan nin aan magaciida qori karin masiirka iyo qaranimada
umadda aan wax ka garaneynin beri ceebta ka timaada idinkaa
qaadi doona taariikhduna meel xun baad ka geleysaan ayuu
yiri Tarsan.
Dastuurka qabyo qoraalka ee la hordhigay odoyaasha
Dhaqanka Soomaaliyeed ayaan aheyn kii ay soo diyaariyeen Gudiyaddii
madaxa banaanaa ee dastuurka balse waxaa dastuurkaan cusub diyaariyeen
guddi farsamo oo ay magacaabeen saxiixayaasha, guddigaas oo
uu gudoomiye u yahay.
Isku soo wada duube waxaa muuqata in dastuurkaan
cusubi uu xaqirayo Caasimadda Magaalada muqdisho iyadoo Dastuurkaan
qoristiisa ay gacan weyn ku yeesheen Wasiirka dastuurka Cabdiraxmaan
Xoosh oo ka soo jeeda Puntland iyo Madaxweynaha Puntlan Cabdiraxmaan
Faroole . Cabdiraxmaan Faroole ayaa qasbay in dastuurkaan lagu
daro wax walba oo ay dalbanayeen Puntland hadii kalana waxuu
sheegay inuu ka baxayo qorshaha Road Mab-ka, sidaa darteed ayaa
loogu daray waxyaalo badan oo Puntland codsanaysay balse ka
hor imaanayey midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.
Inkasta oo uusan tarsan ka mid aheyn Saxiixayaasha
balse Tarsan waa nin awood siyaasadeed iyo mid Taageero kuleh
dhamaan Koofurta Soomaaliya, Gudoomiye Tarsan sidii loogu magacaabay
magaalada Muqdisho waxaa soo laabatay rajada Dadka muqdisho,
iyada oo ay dadku arkaan waxqabadka Gobolka Banaadir.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com