Maamulka degmada Huriwaa
oo baadi goobaya kooxo dil gaystay
Maamulka degmada Huriwaa ee dowladda ayaa waxa
uu sheegay in uu baadi goob ugu jiro kooxo shalay dad ganacsato
ahaa ku dilay gudaha degmadaasi
Gudoomiyaha degmada Huriwaa ee dowladda Cumar
Cabdulle Jacfaan ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay dilka 3
ruux oo ganacsato ahaa oo shalay galab kooxo hubaysan ay ku
dileen gudaha degmadaasi.
Cumar Jacfaan ayaa waxa uu sheegay in dilkaasi
ay ka dambeeyeen waxa uu ku sheegay kooxo dhagar qabayaal ah
kuwaasi oo uu sheegay in qaar ka mid ah ay aqoonsadeen oo hada
ay ku raad joogaan islamarkaana ay rajeynayaan in ay gacanta
kusoo dhigaan.
Gudoomiyaha ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in
bandow ay kusoo rogayaan degmada Huriwaa si ay u xaqiijiyaan
amaanka degmada oo uu sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii
ay u adkeyn lahaayeen.
Degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir ayaa waxaa
ka jiray mudooyinkii dambe dilal qorsheysan oo soo laalaabtay.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com