Maareeyaha Dekeda Muqdisho
Cabdulaahi Cali Nuur oo loo diidey inuu shaqadiisa guto, Madaxweyne
Shariif oo arintaasi ka danbeeya, Beesha Wacaysle oo baaq u dirtay
Madaxweyne Shariif!! Boob ka socda Dekedda Muqdisho..

Kulan weyn oo Muqdisho ay isugu yimaadeen xildhibaano,
warxagarad , haween , iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Waceysle
kana dhacay hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho ayey Beesha
Waceysle madaxweyne Shariif ugu baaqday inuu si shuruud laaan
u hawlgeliyo Maareeyaha Dekeda Muqdisho ee uu dhowaan magacaabeen
Raisul wasaare Cabdiweli Gaas iyo Wasiirkaa gaadiidka cirka
iyo dhulka.
Kulankan ayaa sidoo kale lagu taagarayey magacaabida
maareyaha cusub ee xilkaas loo dhiibay oo ah nin aqoonayhan
ah oo mudo kasoo shaqeynayey garoonka diyaaradaha Muqdisho laguna
magacaabo Cabdulaahi Cali Nuur.
Xildhibaan Dahir Gelle oo ka mid ahaa madaxdi
ka qeybgashay munaasabada ayaa sheegay in sida dawladnimada
lagu yaqaabo ay tahay inuu sharciga shaqeeyo oo laga gudbo nin
jecleysiga iyo qabyaalada , waxaana uu ku baaqay in la qadariyo
wareegtooyinka xukuumadda Soomaaliya
Maxamed Cabdi Shido oo ah nabadoonka beesha Waceysle
ugu qeybgalaya xulida xildhibaanada ayaa dhinaciisa sheegay
inay dareensan yahiin in madaxweynaha uusan la dhacsaneyn magacaabida
maareyaha cusub , balse waxuu qeexay inay muhiim tahay in la
is qadariyo oo aan lagu tarax tagin nin jaceylka iyo qabyaalada
,waxaana uu goobta ka cadeeyey in sanooyinki u dambeeyey beesha
Waceysle loogu gardaroonayey kuraasta siyaasada, iyadoo uu sheegay
in madaxweyne Shariif uu duudsiiyey beesha Waceysle xuquuqdii
ay ku lahayd maamulka Dalka.
Xubanaha shirkaan ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa
xildhibaano ay kamid ahaayeen Dahir Gelle , Cabdulaahi Geedi
Shadoor , Garabey, Jeebo iyo Afrax , dhinaca siyaasiyiintana
waxaa kamid ahaa Ismaacil Macalin Muse , Cabdulaahi Cali Gadafey,
sidoo kalana dhinaca culimada waxaa kamid ahaa Shiikh Cumar
Cali Rooble iyo Shiikh Muse Cagaweyne halka ganacsato badan
oo magac ku dhax leh beesha ay joogeen, sidoo kale waxaa shirka
ka qeyb galay haween kasoo jeeda Beesha Waceysle.
Kulankan ayaa ahaa mid u muuqday kii ugu weynaa
oo xubnaha Beesha Waceysle ay ka qeybgalaan sanadihi ugu dmabeeyay,
waxaana muuqatay in hal fikir ay ka qabaan arinka magacaabida
maareyaha iyo saamiga siyaasadeed ee xiliga isbadelka.
Dhawaan ayuu Raisul wasaare Cabdiweli Gaas u magacaabay
Maareeyaha dekeda Muqdisho inuu noqdo Cabdulaahi Cali Nur oo
ka soo jeeda beesha Wacesle , hase yeeshee waxaaa arinkaas ka
horyimid madaxeyne Shariif oo isna dhankiisa amray Maareeyihii
hore Sayid Cali inuu shaqada sii wato, Sayid Cali iyo Shariifka
ayaa la sheegayaa inay kasoo wada jeedaan beesha Rati Abgaal.
Dhinaca kale waxaa shirkii beesha Waceysle laga
soo saaray guddi ka kooban ilaa 11 xubnood oo isugu jira xildhibaano
iyo ganacsato, gudigaas oo la kulmi doona madaxweynaha iyo Raisul
wasaaraha Soomaaliya si ay usii amba qaadaan qorshaha dhaqangalinta
magacaabista maareeyaha cusub ee dekedda Muqdisho Mudane Cabdullaahi
cali Nuur oo si aan sharci ahayn looga hor istaagay shaqadiisa.
Si kastaba aha ahaatee madaxweyne Shariif ayaa la sheegayaa
inuu lasoo baxay qabyaalad aad u hooseysa oo sida la sheegay
uu ku naas nuujinayo Beeshiisa, sidoo kale Madaxweyne Shariif
ayaa la sheegayaa inuu doonayo in uu lacag badan ka aruursado
dekedda Muqdosho lacagtaas oo uu doonayo inuu ku badsado lacagaha
uu u qorsheeyay inuu ku gato madaxtinimada Soomaaliya.

Xaafiiska Wararka Warlalis.com