» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Calanka.com

» Codk Somali

» Cayaaraha

» Cadaado

» CeelBuur

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet

» Galgaduud.net

» 2garre
» Gedonet

» Gedohomepage

» Geeska Afrika

» Goldogobsite

» Goobjoog

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Kartuun.com

» Kasmo(Wargeys)

» Lafoole.com

» Marka Caddeey

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Mustaqiim.com

» Midnimo.com

» Nurudin

» nuuruliimaan
» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

»Shabelle

» Shariica.com

»Somalifans.net

»Somaliweyn

»Waagacusub

»Warlalis.com

»Warsheekh

Raisul wasaare Cabdiweli oo Xilka ka qaaday Maareeyihii Dekada, magacaabayna Maareeye Cusub. Madaxweyne Shariif oo dhulka lagu jiiday. Waa kuma Maareeyaha Cusub..

Raisul wasaare Cabdiweli oo Xilka ka qaaday Maareeyihii Dekada, magacaabayna Maareeye Cusub. Madaxweyne Shariif oo dhulka lagu jiiday. Waa kuma Maareeyaha Cusub..?


Raisul wasaare cabdiweli ayaa shalay inta uusan u ambabixin Magaalada Kampala ee Dalka Ugandha waxuu xilkii Maareeyanimo ee Dekedda Muqdisho ka qaaday Sayid Cali, Sayid cali ayaa xilkaan hayay Muddo aad u dheer isagoona ka sameeyay lacag aad u fara badan Maareeyanimada Dekedda Muqdisho maadaama uusan xisaabtan jirin Dalka Soomaaliya.

RW Cabdiweli ayaa u magacaabay Cabdullahi Cali Nuur oo ahaa madaxa Furdada ayraboorka Muqdisho inuu noqdo Maareeyaha Cusub ee dekedda Muqdisho.

Madaxweyne Shariif ayaa la rabay Maareeyanimada Dekedda Muqdisho nin lagu Magacaabo Amiir, balse waxaa taasi hor istaagay Golaha Wasiiradda oo uu gudoomiyo RW Cabdiweli.

RW Cabdiweli ayaa magacaabida Maareeyanimada Dekedda Muqdisho kusoo aadiyey xili uu Madaxweyne Shariif dalka ka maqan yahay, ku simaha Madaxweynahana uu yahay Shariif Xasan.

Shariif Xasan oo an nin xariif ah, aadna u yaqaan dantiisa gaarka ah ayaa ogolaaday magacaabidda Cabdullahi Cali Nuur, maadaama uu yahay nin ka madax banaan Madaxweyne Shariif.

RW Cabdiweli iyo Shariif Xasan ayaa kula heshiiyey Cabdullahi Cali Nuur Maareeyaha cusub inuu usoo adeego xiliga kala Guurka ah, si ay uga helaan lacag qeyb ka qaadata Campaign-ka ay ugu jiraan in ay iyagu dalka madax ka noqdaan, si ay u kala qaataan Madaxweynaha iyo Raisul wasaaraha.

Madaxweyne Shariif ayaa marhore isku dayey inuu xilka ka qaado Maareeyihii hore ee Dekedda muqdisho balse waxaa arintaasi hor istaagay Golaha Wasiirada.

Maareeyihii hore ee Dekedda Sayid Cali ayaa usoo diray odoyaal beeshiisa ah inay la hadlaan Madaxweyne Shariif si uu u joojiyo xil ka qaadista uu la maaganaa Madaxweyne Shariif, Sayid Cali ayaa odoyaasha tusay lacag dhan 9,000,000 $ (Sagaal milyan Doolar) oo uu ku leeyahay Madaxweyne Shariif, Sayid Cali ayaa sheegay in lacagtaasi uu siinayay Madaxweyne Shariif Safar kasta oo uu dibadda u baxayo lacag gaaraysa 300,000$ (Sadex boqol kun Doolar) Maadaama madaxweynuhu todobaadkiiba baxo ugu yaraan labo ilaa 3 jeer, Sayid Cali ayaa sheegay in lacagaha uu siinayay Madaxweunaha Marka uu safaradda aadayo ay gaarayso boqolaal milyan doolar, balse uu ka deberayey dhaqaalaha Dekeda, haatana ay baaqi ku tahay Madaxweynaha lacagtaas dhan 9 milayn Doolar.

Odoyaasha oo u tagay madaxweynaha si ay ugala hadlaan inuusan xilka ka qaadin Sayid Cali ayaa u sheegay in wiilka ay ka maqan tahay lacag dhan 9 milyan doolar oo ah lacag qeyb ka ah lacagaha uu madaxweynuhu qaato marka uu safarada aadayo, sidaa daraadeedna waxaa ay madaxweynaha ka codsadeen inuu muddo 3 bilood ah u dhaafo Sayid Cali inuu sii Maamulo Dekedda si uu usoo ceshado lacagta ka maqan oo dhameyd 9 milyan, codsigaas oo uu madaxweynuhu aqbalay.

Sadexdii Bilood markii ay dhamaatay ayuu madaxweyne Shariif usoo gudbiyey Golaha Wasiirada oo uu gudoomiyo RW Cabdiweil Magaca nin kale oo cusub oo uu madaxweynuhu doonayey inuu ugu adeego si ka fiican sidii Sayid Cali ugu adeegi jiray, shaqsiga madaxweynuhu la doonayey Maareeyanimada Dekedda Muqdisho ayaa lagu magacaabaa Amiir, Balse taasi waxaa diidey RW Cabdi weli, Raisulwasaaraha isaga oo maraya dhabaha saxda ah ayuu u soo gudbiyey Maareeyaha Cusub Cabdullahi Cali Nuur kusimaha Madaxweynaha Shariif Xasan Sheekh Aaden waxuuna ka ansaxsaday kusimaha Madaxweynaha magaacbistaan xili madaxweyne Shariif uu ku maqan yahay safar dibadda ah.

Isku soo wada duube dhaqaalaha Dekedda Muqdisho ayaa noqday meesha ugu musuqmaasuqu badan ilaha Dhaqaalaha Dalka Soomaaliya, gaar ahaan inta yar ee ay maamusho Dawladda Soomaaliya.

Lacagta Ganacsatada iyo Maareeyayaasha Dekedda Muqdisho ay ku shubaan Bankiga Soomaaliya ayaa ka yar 10% daqliga Dekedda , lacagta inta Hartayna waxaa kala qaata Maareeyaha iyo Madaxda Dalka, qaarna waxaa loo dhaafaa ganacsatada.

Maamulka Dekedda laamaheeda kala duwan ayaa u sameysan qaab isku xiran oo isla shaqeeya, islana fududeeya hawlaha lagu lunsanayo dhaqaalaha Dalka.

RW Cabdiweli iyo Shariif Xasan ayaa la filayaa iyagana in ay Markooda dhuuqaan dhaqaalaha dekedda muqdisho oo noqday mid aan lagu xisaabtamin, lana dabagelin, maadaama ay labadaan masuul gacan ka heystaan Amb. Mahiga. AMISOM-na waxay sitoos ah ula shaqeynaysaa RW Cabdiweli.

Waxaa muuqata xiligaan kalaguurka ah in Madaxweyne Shariif ku socdo wadadii Nuur Cadde Mariyey madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf. Madaxwyne Shariif ayaa u muuqda mid caalamku ay hadda door bidayaan inuu siyaasadda banaanka ka istaago, magacaabidii shalay la magacaabay maareeye uusan la socon madaxweyne Shariif ayaa noqonaysa mid ka mid ah talaabooyinka looga taqalusayo madaxweyne Shariif.

 

 

Xaafiiska Wararka Warlalis.com

Hambalyo Hambalyo Hambalyo

( Riix halkaan )
2012.03.09



Halkaan ka daawo Xalwo Boolimoog Sweden