Madaxweynaha
oo dib u soo laabtay kadib booqashadiisa Baydhaba
Kadib booqasho uu ku tagay maanta magaalada Baydhaba ee gobolka
Bay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal-ka Soomaaliya, Prof.
Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxa
uu maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
Wafdiga madaxweynaha ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee magaaladda
Baydhabo ku soo dhoweeyey, masuuliyiin ka tirsan maamulka
gobolka Baay iyo kan degamada Baydhabo, sarakiil ka tirsan
ciidamadda dowladda iyo kuwa AMISOM iyo dadweyne aad u badan.
Xasan Sheekh Maxud ayaa waxaa la sheegay in uu ku guur
galay xaaladda amniga magaalada Baydhabo iyo tan gobolka Baay
iyo isaga oo maamulka dowladda uu kala hadlay sugida amaanka.
Waa safarkii ugu horreeyay ee uu madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud uga baxo magaalada Muqdisho tan iyo markii la doortay
10-kii bishii September ee sanadkan, iyadoo la rumaysan yahay
in magaalada Baydhaba tan iyo markii la qabtay aysan booqan
Madaxda sare ee dowladda.