Madaxweyne Siilaanyo oo
ka hadlay Munaasabada 26-ka June

Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo ka qeyb galayay
munaasabad loogu dabaal dagayay 52 sano guuradii kasoo wareegatay
markii Waqooyiga Soomaaliya ay ka xuroobeen Gumeystihii Ingiriiska
ayaa waxa uu sheegay in ay tahay maalintii u horaysay oo sida
uu sheegay ay ka xuroobaan gumaystihii Ingiriiska, waxaana uu
u hambalyeeyay Guud ahaa shacabka Somaliland.
Axmed Maxed Maxud Siilaanyo Madaxweynaha
Somaliland ayaa waxa uu sidoo kale ugu baaqay Caalamka in ay
aqoonsadaan Maamulkooda, isaga oo sheegay in wada hadalada ay
la galayaan dowladda ay rajo weyn yihiin in ay guulaystaan oo
la aqoonsado balse waxa uu sheegay in marnaba aysan ka gorgortameenin
gooni isku taagooda.
Xuska 26 June ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili
wada hadalo ay u socdaan dowladda iyo Maamulka Somaliland.
Xaafiiska Wararka Warlalis.com