Raiisul
wasaaraha Soomaaliya oo la magacaabay
War rasmi ah oo aan ka helnay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa
sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Raiisul
wasaaraha Soomaaliya u magacaabay Cabdi Faarax Saacid.
Wariyaal ku sugan Madaxtooyada ayaa u xaqiijiyay Warlalis
in Cabdi Faarax Shirdoon loo magacaabay Raiisul wasaaraha
Soomaaliya kaasi oo ka mid ahaa dadka loo saadaalinayay Raiisul
wasaarinimada Soomaaliya.
Cabdi Faarax waa ganacsade ku sugnaa magaalada Nairobi ee
dalka Kenya halkaasi oo Xarumo ganacsi uu ku leeyahay, waxaana
la filayaa in la horgeeyo barlamanka Soomaaliya si ay u ansixiyaan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Raiisul
wasaaraha laga sugayo in uu soo magacaabo Gole wasiiro oo
tayo leh.