Mahiga
maxuu ka yiri musuq maasuqa lagu eedeynayo Madaxda dowladda
Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha
Soomaaliya
Agustina Mahiga oo waraysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa waxa
uu ka
hadlay warbixin uu soo saaray Gudiga dabagalka QM ee cunaqabateynta
Soomaaliya iyo Eritrea kaasi oo ku eedeeyay Madaxda sare ee
dowladda
inay musuq maasuqeen Malaayiin dollar.
Mahiga ayaa sheegay in Warbixintaasi maalinta bari ah la horgeenayo
Golaha amaanka Qaramada Midoobay si ay u aqriyaan islamarkaana
ay
goaano uga soo saaraan, isaga oo sheegay in Gudigaani
uu mudo dheer
waday baaritaankaani oo uu kala kaashaday dad xog ogaal u
ah
dhaqaalaha soo galay dowladda.
Madaxweynaha iyo iyo Masuuliyiinta kale ee la
eedeeyay hadii ay dood
qabaan inta Warbixinta aan la horgeenin Golaha amaanka ha
is difaacaan
looma baahno kaliya beenin ee waxaa loo baahan yahay cadeymo
ay ku
beeninayaan eedeynta loo jeediyay sidaasi waxaa yiri
Mahiga.
Mar la weydiiyay waxa xiligaani kusoo beegay Warbixintaani
Wakiilka ,
iyadoo lagu jiro Olole doorasho oo la doonayo in dalka looga
saaro KMG
ayaa waxa uu sheegay in Gudiga cid kala hadashay aysan jirin
xiliga
lagu beegayo shaacinta warbixintaani oo uu isaga uu madax
banaanayaan
howsha loo xilsaaray.